WorldRemitAds
New York, US, December 18, 2015 (Saxafi) – Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsan xaaladda ammaan ee dalka Burundi, kadib dilal qorshaysan iyo rabshado ka dhashay markii Madaxweynaha waddankaasi Pierre Nkurunziza uu shaaciyay hogaanka dalka inuu u tartamayo mar saddexaad.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo shir jaraa’id ku qabtay magalada New York ee dalka Maraykanka ayaa tilmaamay inuu ka naxsanyahay fowdada waddankaasi madaxa lagalay.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon

“Runtii aad ayaan uga naxsanahay waxa ka socda Burundi ee isugu jira qalalaasaha iyo rabshadaha dalkaasi ka sii socda, waxaan ka walwal qabaa inuu dalkaasi galo dagaallo sokeeye” Ayuu Ban Ki-moon.

Lataliyihiisa gaarka ayuu sheegay xoghayuhu inuu u dirayo Burundi, si madaxda dalkaasi talo galin uga siiyo dajinta xiisadda iyo qaabkii loo soo celin lahaa boqolaalka kun qof ee waddanka ka barakacay.
Hadalka Ban ayaa imaanaya iyadoo dalkaasi uu ka socdo dagaalladii ugu xumaan, waxaana caasumadda Bujumbura hadheeyay dilal qorshaysan oo lagula kacayo mas’uuliyiin iyo shacaba.
Dhinaca kale hoggaamiyaha mucaaradka Rwanda ayaa weydiistay dadka dalkaas inay “Maya” ugu codeeyaan aftida Khamiistii shalay Jimcaha maanta laga qaadayo dalkaas, taasi oo madaxweyne Paul Kagame u ogolaan karta inuu markii saddexaad qabto xilka. Mr. Kagame oo 58 jir ah ayaa hogaaminayey ciidamadii dhammeeyey xusuuqii Rwanda ee 1994-kii, waxaana uu xukunka ka tuuray xagjiriintii Hutu-ga. Waxa uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Rwanda, waxaana uu madaxweynaha Rwanda noqday sanaddii 2000, markii uu madaxweynuhu is-casilay. Franka Habineza oo ah hoggaamiyaha iyo aas-aasaha xisbiga Democratic Green Party ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in qabashada xilka madaxweyne oo lagu xaddido laba goor oo kaliya ay ogolaaneyso inuu soo baxo hoggaan cusub. Haddii aftida la ansixiyo, waxa ay sharci ahaan u ogolaan doontaa in Mr. Kagame uu xilka qabto laba xilli oo kale oo min shan sano ah. Habineza waxa uu sheegay in haddii Kagame uu ku adkeysto inuu xukunka sii hayo in taas ay dhallin doonto rabshado la mid ah kuwa ka socda dalka deriska la ah ee Burundi.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.