WorldRemitAds

Nairobi, Kenya, March 01,2012, (Saxafi) – Qaramada Midoobay ayaa qorshaynaysa inay dawlada Kenya Magdhow ka siiso ciidamada kaga dhintay dagaalka ay kula jirto kooxda Al-shabaab iyo waliba gaadiidka iyo hubkii ay ku fulisay bilowgii hawlgalada gudaha Soomaliya.

Qaramada midoobay ayaa koox xaqiiqo raadin ah u dirtay dalkaKenya, kuwaasi oo MagaaladdaNairobika bilaabay ururinta khasaaraha ciidamadaKenyaka soo gaadhay dagaalka Al-shabaab ee ka socda gudaha dalka Soomaliya.

 Kooxdan ayaa waxa ay Magaaladda Nairobi yimaadeen ka dib markii dawlada Kenya ay qaramada midoobay u dirtay liis ay ku taxday khasaaraha dagaalkaasi ku gaadhay iyo qalabka ay u baahan tahay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin diyaaradaha qumaatiga u kaca, gaadiidka dagaalka iyo waliba magdhow laga siiyo ciidamada ka dhintay, kuwaasi oo qaramada midoobay lacag ahaan ku siinayso.

SomlegalAds

Qalabkan Milatari ee dawladaKenyaka dalbatay qaramada midoobay ayaa waxa lagu qalabaynayaa ciidamo gaar ah oo dawladaKenyau dirayso dalka Soomaliya, kuwaasi oo la sheegay inay ku biiri doonaan ciidamada midowga Afrika ee Amisom.

Wasiirka gaashaandhiga dawlada Kenya ayaa warbaahinta u sheegay inay qaramada midoobay u gudbisay liiska qalabka ay u baahan yihiin iyo waliba tirada askarta ka dhimatay ee ay doonayaan in magdhow laga siiyo ah, isaga oo sidoo kalena tilmaamay in golaha amaanka qaramada midoobay ay uga baahan yihiin inay fuliyaan waxayaabaha loo baahan yahay ee la xidhiidha hawlgalka ciidamada ku biiraya Amisom.

Dhanka kale, Madaxwaynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa soo dhaweeyay in dib loogu eego hawlgalka mustaqbalka ee ciidamada Amisom ee gudaha Soomaliya “Kenya way soo dhaweyneysaa in dib loo eegay howlgallada Mustaqbalka ee AMISOM ee Soomaaliya” ayuu yidhi Madaxwaynaha Kenya, isaga oo tilmaamay in ciidamada Kenya aanay u socon inay qabsadaan Magaalada Kismaayo oo ay Al-shabaab ka taliso, balse ay tahay in bulshada caalamku go’aan ka gaadho “Kismaayo waa su’aal bulshada caalamka u taal inay go’aan ka gaadho, Kenya uma socoto inay hagaajiso dhibaatada Soomaaliya oo dhan maadaama oo uu yahay dal fashilnaa 20 sano”

Dhinaca kale, Ehellada saraakiil Kenyan ah oo Al-shabaab ay kasoo qafaasheen bishii Janaayo deegaanka degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari eeKenyaayaa codsaday in lasii daayo wiilashooda.

Saraakiishan oo lagu kala magacaabo, Fredrick Irungu Wainaina oo 56-jir ah iyo Yesse Mule Edward oo 30-jir ah ayaa waxaa lagu qabtay weerara ay Al-shabaab ku qaaday deegaanka Gerille xilli habeen ah, waxayna labadan qof kusoo bandhigtay barta ay Twitter-ka ku leedahay.

“Waxaan codsanaynaa in Yesse Mule lasoo daayo, waayo waa aabbe caruurtiisa u shaqeysan jiray,” ayay yidhaahdeen waalidka dhalay labadan ruux oo saxaafadda la hadlay, iyagoo sheegay in wiilkooda aanu shuqul ku lahayn arrimaha loo haysto.

Xarakada Al-shabaab ayaa waxay sii-daayeen ruux saddexaad oo labadan ruux lala soo afduubay kaasoo dhalashadiisu ahayd Soomaali, kaddib markii ay sheegeen inay ku waayeen wax dambi ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.