WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, November 30, 2015 (Saxafi) – Wefti ka socda Somaliland ayaa shalay u anba baxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ka dib markii Qaramada Midoobay halkaas uga sameysay balan.

Weftigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sacad Cali Shire, oo ay weheliyaan guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali, wasiirka Qorshaynta Cali Shoombe iyo wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, waxaana ay sheegeen mar ay ka hadlayeen ujeedkooda inay Nairobi ku leeyihiin balamo ay agaasintay qaramada midoobay.
Qaramada Midoobay Oo Wefti Somaliland Ah Kula Balantay NairobiWasiir Sacad Cali Shire oo ka hadlayey ujeedadda safarkooda ayaa sheegay inay tahay casuumad ay ka heleen hay’adaha qaramadda midoobay oo u xusay inay u ballamiyeen safaaradaha iyo hay’adahoogaba, waxaanu yidhi“Ujeedada socdaalkayagu waa inuu la kulano safaaradaha iyo hay’ada wada shaqanta aan la leenahay xaga wada shaqaynta, waxaanu la kulmi doonaa hay’adaha iyo safaaradaha degan Nayroobi, waxa kale oo safarkan uga faa’iidaysan doonaa inaanu la kulanno jaalidda reer Somaliland ee halkaasi degan, waxaana ka hawlgali doonaan inaanu xoojino xafiska aynu halkaasi ku leenahay, safarkan waxa ka soo shaqeeyey hay’adda UN-ta oo balamo noo soo samaysay, balan baanu ku tagaynaa iskama tagayno”.
Mar la waydiiyey inay ka kulmi doonaan madax ka tirsan Kenya, waxa uu yidhi “Socdaalkan mar hore ayaa la qorsheeyey, hore balan nooguma jirin in madaxda Kenya la kulanno, laakiin waanu isku dayi doonnaa in aanu la kulanno madaxda Kenya”.
Mar uu ka hadlayey in safaaradaha dalalka caalamka xoojin doonaan, waxa uu yidhi “Wasaaraddu xilal badan ayey leedahay oo ictiraaf doonidu waa ka mid in aanu hawlgalino qurbo jooga, in aanu xoojino xafiisyadda aynu caalamka ku leenahay iyo jaaliyadaha waxaan filayaa inaan ictiraaf shakhsiyo ah caalamka ka heli doono”.
Weftigan oo afka Xukumadda Somaliland ku hadlay ayaa sidoo kale intaanay ka dhoofin madaarka Hargeysa waxaa ay shaaciyeen mawqifkooda ku aadan dagaallada dhawaanahan ka dhacayay magaalada Gaalkacayo ee u dhexeeya maamulada Somalia ee Puntland iyo Galmudug, kuwaas oo deegaanno kala riixanaya.
Wasiirka arrimaha dibadda Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Somaliland jeceshahay in mandaqada bariga Africa lagu wada noolaado nabad. Waxa uu sheegay in dawladda Somaliland danaynayso in wada hadal lagu dhammeeyo arrimaha u dhexeeya maamulada Somalia. “Inagu mar kasta waxaanu doonaynaa in gobolka lagaga noolaado nabadgalyo, xasilooni ka jirto waxaanu ku baaqaya inay nabada ilaaliya woxooga wadda xaajood ku dhamaystaan,” Ayuu yidhi Wasiirku Mar uu ka hadlayayey dagaaladda ka socda Kaalkacyo.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.