WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, May 31, 2018 (Saxafi) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay Somaliland ku caawinayaan Gargaar dhan 2.7 Milyan Dollar oo wax lagaga qabanayo saamayntii ay yeesheen duufaanadii SAGAR ee ku dhuftay guud ahaan xeebaha Somaliland. Qaramada Midoobay ayaa tilmaamtay Saamaynta xoogan ee uu duuftaanta SAGAR gaadhsiiyey dadka iyo duunyada ku dhaqan Galbeedka iyo Waqooyiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Warkan ka soo baxay Xafiiska Qarammada Midoobay oo nuqul ka mid ah uu soo turjumay xafiiska Wararka ee Wakaaladda SOLNA ayaa lagu sheegay in duufaantaasi hanti badan ku Burburisay xeebaha Somaliland.

SomlegalAds

Madaxa u qaybsamaha gargaarka ee Qarammada Midoobay Peter de Clercq oo booqasho ku yimid Somaliland isla markaana tagay goobaha ugu daran ee Duufaantu ku dhufatay ayaa sheegay in gargaarkan loo qoondeeyay in lagu maareeyo soo celinta nolosha bulshadii uu saameeyey Duufaantu iyo sidii ay u heli lahaayeen cunto ku filan.

Peter de Clercq Waxa uu sheegay inay balan qaadayaan lacag dhan 2.7 Miyan Dollar oo loogu talogalay in wax lagaga qabto arrimaha bina’aadanimada ee ka jirta guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika.

Duufaanta SAGAR oo ku dhuftay deegaannada Galbeedka iyo Waqooyiga Somaliland waxa ay dhibaato ka soo gaadhay 160 kun oo qof kuwaasi oo hanti iyo xoolaba beelay, sidoo kale khasaare nafteed waajahay.

UNSOM/Carlos Gomez del Campo
On a visit to the Borama Regional Hospital, 180 kilometres southwest of Somaliland’s capital, Hargeisa, medical staff brief the UN Humanitarian Coordinator for Somalia, Peter de Clercq, on the hospital’s work, particularly in relation to the impact of Cyclone Sagar, but also on other humanitarian challenges, such as recent severe flooding and a years-long drought.

De Clercq oo booqasho ku tagay magaalada Boorama ee Xarunta gobolka Awdal isagoo ay weheliyaan Masuuliyiin ka socda xukuumadda Somaliland ayaa kulan la yeeshay hay’daha maxaliga ah, Odayaasha dhaqanka iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa sheegay in Qarammada Midoobay caawimo la garab taagan tahay dadkaasi Duuftaantu saamaysay.

Hay’ada Qarammada Midoobay ayaa sheegay in qorshaha lagaga jawaabayo arrimaha banii’aadamnimada sannadkan 2018ka ay tahay adduun lagu qiyaasay $390 Milyan, waxaa ay 50% ka yar tahay sannadkii hore ee 2017kii.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.