WorldRemitAds

Addis Ababa, Ethiopia, June 25, 2018, (Saxafi) – Dawladda Ethiopia ayaa xidhay dad tiradoodu gaadhayso ilaa 30 qof oo 9 ka mid ah ay yihiin sida la wariyay saraakiil iyo xubno Shacab ah, kuwaas oo loo xidhay qaraxii Addis Ababa ka dhacay shalay.
Laba qof ayaa dhintay illaa 156 kalena waa ay dhaawacmeen sida uu xaqiijiyay wasiirka caafimaadka Ethiopia Amir Aman shalay, ka dib markii qarax ka dhacay meel uu ka qudbadaynayay raysal-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed. “Waan ka xumay inay dhibane labaad ku weyno Qaraxii shalay (Doraad) kaas oo ka mid ahaa dhaawaca yaalay Cusbitaalka Duqur Hanbasa.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirku waxaana uu u duceyay dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba. Isaga oo ka tacsiyeeyay ehelka iyo asxaabta xubnahaasi.
Dadka la xidhxidhay wararku waxa ay sheegayaan inay ku jiraan Saraakiil booliiska ah, kuwaas oo loo haysto inay ka hortagi waayeen weerarkan qaraxa ah ka hor intii aanu dhicin.
Dadkan la tuhmay ayaa waxaa ku jira dumar sidda la wariyay, Guud ahaan dalka Ethiopia ayaa shalay galay xaalad feejigan oo dheeraad ah ka dib markii qaraxa lala beegsadey Isu soo bax uu ka hadlay Raysalwasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed doraad. Waxaa hawada laga saarey dhowr TV oo gudaha ah waxaana dhacay howl galo sugid amni ah.

Dhinaca kale Raysalwasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed ayaa booqdey Cusbitaalada la geeyey tobonaan dad ah oo dhaawacyo kala duwan qabo oo 15 ka mid ah ay liitaan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.