WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, June 19, 2015, (Saxafi) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay weeraro qorshaysan iyo Qaraxyo ka geysatay goobo kala duwan oo Koonfurta Somalia ah.

Cadaado

Wasaarrada Ammniga gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay fashiliyeen isku day weerar xoogagga Al-shabaab damacsanaayeen inay ay ku qaadaan xarunta ay degan yihiin ergada ka qeyb-qaadaneysa shirweynaha magaalada Cadaado.

SomlegalAds

Afhayeenka wasaarrada ammniga gudaha Max’ed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in ciidammada ammnigu ka hortageen isku day Afar ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab doonayeen in ay ku weeraraan xarun lagu magacaabo Kafaalo oo ay degan yihiin odayaasha iyo ergada ku howlan soo xulista xildhibaanno ka mid noqonaya baarlamaanka loo dhisayo maamulka ka kooban gobollada Galguduud iyo Mudug. “Weerarka waxaa uu ahaa mid fashilmay ciidammada ammniguna waa ay ka sii war hayeen gaadhiga is qarxinta geystay, kuwa weerarka soo qaaday dhamaantood isla goobta ayaa lagu toogtay” ayuu yidhi afhayeenka wasaarrada ammniga Max’ed Yuusuf Cismaan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaadhiga lagu weeraray xarunta Kafaalo uu soo maray waddo dhabarka danbe ka ah dhismaha ay degan yihiin ergada, taas oo inta badan aanay gadiidku marin.

Guddoomiyaha guddiga farsamada shirka Xaliimo Ismaaciil [Xaliimo Yareey] ayaa dhinaceeda warbaahinta u sheegtay inaanu wax saameyn ah weerarka ku yaalan ergada ka qeyb-qaadaneysa shirka.

In kastoo wasaarrada ammniga iyo guddiga farsamada shirka intaba sheegeen in aani jirin khasaare dhaafsiisan ragga weerarka soo qaaday, haddana hoos ahaan looma oga xogta rasmiga ah iyo khasaaraha uu sababay weerarka oo ahaa mid xoogan.

Weerarkan Ismiidaaminta ah oo noqonaya kii ugu horeeyay ee lagu qaado shirweynaha dhismaha maamulka gobollada dhexe waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay xarrakada Al-shabaab,

Muqdisho

Dhinaca kale, kooxda Al-Shababaab ayaa xalay sheegtay in Ciidamadoodu ay xalay fiidkii weerar culus ku qaadeen xarunta Shaleemo Cabdi Waayeel ee degmada Hilwaa ee Muqdisho oo fadhiisin u ah ciidamada dawlada Soomaaliya.

Dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho’ iyadoo dagaalkan la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale weerar bambaano ayaa waxaa lagu qaaday warshadii hore ee Nacnaca oo iyaduna ku taala degmada Hilwaa’ iyadoo uu jiro khasaare aan la faahfaahin oo dagaaladan ka dhashay. Sidoo kale Bam gacmeed ayaa lagu tuuray gaadhi Cabdi bile ah oo ay la socdeen ciidamo dawlada Soomaaliya ka mid ahi, kaasoo marayay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyadaan iyo weerarkan waxa ay yimaadeen iyaddoo habeen hore sidoo kale ay kooxdani weerar culus ku qaadeen Kaantarool ay ciidamada Dawlada Soomaaliya dhigteen isgoyska Ceymiska ee degmada Yaaqshiid magaalada Muqdisho.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.