WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, July 26, 2018 (Saxafi) – Dawladda Qatar ayaa joojisay lacag malaayiin Doolar ah oo ay siin lahayd xarumaha agoomaha Somaliland.

Warar ku saabsan gargaarka dhaqaale ee dawladda Qadar xannibtay ayaa sheegaya in Dawladda Qatar laashay heshiis xarumahaasi lagu siin lahaa lacag dhawr milyan oo Doolar ah, ka dib markii uu dhamaaday heshiis dhawr sanno ahaa oo dawladdaasi gargaarkii dhaqaale ku siin jirtay xarumahaasi. Heshiiskan dambe ayaa haddii uu hirgalo ayaa waxaa dawladda Qatar bishii May ee aan soo dhaafnay xarumahaasi ugu soo shubi lahayd dhaqaalahaasi, hase yeeshee markii Somaliland dawladda Imaaraatka la saxeexatay heshiis ku saabsan saldhigga ciidan ee dekedda Berbera iyo DP World ayaa dawladda Qatar joojisay Gebi ahaanba xidhiidhkii iskaashi ee ka dhexeeyey Somaliland iyo iyada.

SomlegalAds

Qaar ka mid ah masuuliyiinta xarumaha agoomaha dalka ayaa ka gaabsaday inay tafaasil ka bixiyaan joojinta gargaarkan iyo cidda buuxisay kaalinta ay dawladda Qadar bannaysay sidoo kalena waxay dawladda Qadar joojisay gurmadyadiii degdega ahaa ee ay kaga qayb qaadan jirtay dedaalada lagula tacaalayo wakhtiyada abaaraha. Lama sheegin in dhaqaalahaasi dawladda Qadar u leexisay dhinaca Soomaaliya iyo in kale.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.