WorldRemitAds

Doha, Qatar, April 07, 2018 (Saxafi) – Dawladda Qatar ayaa ku soo biirtay tartanka horumarinta dekedaha, Iyaddoo la ficiltamaysa Imaaraadka Iyo Sucuudiga.

Warbaahinta Suudaan ayaa daboolka ka qaaday in Qartar ay dekedda Sudaan ee Suakin ku maalgelinayso 3.2 bilyan oo Euro, iyaddoo la dhamaystiri doono Sanadka 2020.

SomlegalAds

Idaacadda Faransiiska ee RFI oo baahisay warkan ayaa intaas ku dartay in maal gelinta waddamada Gacanka Carbeed ay waddamada Afrika guud ahaan dhaqaalahoodda kor u qaadayo, Islamarkaana keenayo in Badda Cas laga sameeyo dekedo cusub. Iyo in la oggaado cidda dhab ahaan ku gacan saraysa ama yeelata awoodda Badda Cas.

“Waxaa jira caqabado waa wayn oo la daris ah Badda Cas iyo kuwa isku dayaya inay ku guuleystaan,” Sidaas waxaa yidhi Marc Lavergne oo ah khabiir aqoon u leh Suudaan oo ka tirsan Xarunta Qaranka Faransiiska ee cilmiga sayniska ee Paris oo u waramay RFI.

Khabiirkani, waxaa uu ku dooday in Qatar ay la daalaa dhacayso Dagaalka Sucuudi Carabiya, Islamarkaana ay maal gelinteedan kaga hortagayso Sucuudigu inuu ka qaybsaddo Badda Cas. “Qatar markan maaha difaac, balse waa weerar.” Ayuu yidhi.

Lavergne ayaa xusay khilaafkii waddamada Khaliijka ka dhex-qarxay ee Qatar ay waddamada Afarta ah ee Sucuudiga iyo Imaaraadku ugu horeeyaan ku cunaqabateeyeen.

Ku biiritaanka Suudaan ee haatan dagaalkii is bahaysiga Qatar iyo wadamda GCC ayaa xiiso gaar ah arrintan u yeellay sida warku sheegay, Issam Maxamed, oo ah dhaqaaleyahan Suudaani, Islamarkaana hormuud ka ah Xarunta Cilmi-baadhista ee Nile Basin ee Jaamacadda Alneelain ee Khartoum. Ayaa isna yidhi,.”Suudaan waxaa ay sheegtay inay khilaafka wadamada Carbeed ka tahay dhexdhexaad. Laakiin, Sucuudigu dekedda Suudaan kuma bixinayo kharashka intaas leeg, Sidaas daraadeed, haddii Qatar ay la timaado maalgashi weyn sida tan hadda oo kale, Suudaan waa in ay aqbashaa, “ayuu yidhi Maxamed.
“Laakiin. Marka ay sidaas tahay, waxaad fahamsan tahay in tani la macno tahay in la abuurayo aag ganacsi oo la tartama Jeddah,” ayuu raaciyay.

Warku waxa uu sheegay in waddama la ologa ah Badda Cas ee isticmaalaa ay tiro ahaan kordhayaan, Islamarkaana waxaa Qaramadda Midoobay saadaalisay in 20-ka waddan ee ugu dhaw ay dadkoodda kordhayaan 1.3 Bilyan oo qof sanadka 2050. Sidoo kale, Maraakiibta ayuu warku sheegay inay iyana siyaadayaan.
Xaddiga lacagta ah ee la shaaciyay in lagu bixinayo dekeddan ayaa u muuqata mid ka badan intii hore loogu dayactiray dekadda, sidda uu qabo Maxamed. Waxana uu aaminsan yahay in garoonka diyaaradaha ama goobaha ganacsiga xorta ahi uu ka mid noqon doono xidhmooyinka maalgelinta Qatar.
“Lacagtaas ma aha kaliya in la hagaajiyo jasiiradda yar ee Suakin. Laakiin, waxaa loo baahan yahay in la kordhiyo adeegyadda kale ama gobollada bariga Sudaan,” ayuu yidhi.

Waddama Imaaraadka Carabta iyo Qatar ayaa labadduba u xusul duubaya inay maamulaan Marrinkan, sidda uu sheegay Benedict Craven, oo ah falanqeeye Geeska Afrika ah, kana tirsan Unugga Sirdoonka Dhaqaalaha ee London. Craven ayaa aamisan in Ethiopia ay tahay macaamiilka ugu weyn ee ay raadinayaan. Waxa uu sheegay in wadamada ay rajeynayaan in ay ku xidhmaan horumarka Itoobiya.
“Waxaa lala rabaa dekeda Suakin inay u adeegto Bariga Afrika, gaar ahaana marin u noqoto Itoobiya oo ah dalka ugu dhaqaalaha roon,” ayuu yidhi Craven, isaga oo intaa ku daray in Dekedda Massawa ee Eritrea ay si buuxda u xidhan tahay tartanka u dhexeeya labada dhinac ee sii socda.
Suurtagalinta hashan wax badan ayaa ka horeeya sidda uu qabo khabiirkan ku talaxtagay Suudaan oo illaa sideetamaadkii booqashooyin kala duwan ku tagay dekedda Suakin.

Dawladda Khartoum waa ay beenisay in Turkigu ku lug leeyahay geeddi-socodka hawshan, sidaas oo ay tahay dhaqaalayahanka lagu magacaabo Maxamed ee reer Sudan waxaa uu tilmaamay in Turkigu uu gacan ka geysan doono injineernimada iyo kaabayaasha kale inta mashruucani socdo.
Dekedan Qatar maal-gelinayso ee Suakin, waxaa ay RFI ku waramaysaa in tartanka ugu weyni dhexmarayo dekedda Berbera oo ay Badda Cas ku wadda yaalaan. Balse, iyaddana ay maalgalinayso shirkadda DP World ee UAE laga leeyahay. Imaaraadku waxa uu heshiis ka duwan kan horumarinta dekeda Berbera ee shirkadiisa la galay Somaliland, kaas oo ku saabsan saldhig ciidan oo uu ku yeesho magaaladda Berbera.

Sidoo kale, waxaa ku jira dhismaha Jidka loo yaqaan Berbera Corridor oo uu Rooble Maxamuud ku fasiray mid kor u qaadaya xidhiidhka ganacsi ee Somaliland iyo Ethiopia.

Tartankan ayaa warku sheegay inaanay xoog uga dhex muuqan waddamada reer Galbeedku, haddana Rooble waxaa uu ku dooday in ay jiraan Marsooyin badan oo loogu tala-galay maalgashiga Maraykanka iyo Waddamada Yurub.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.