WorldRemitAds

Ninkan magiciisa la yidhaahdo Hammurabi waxa uu lahaa taariikh yaab leh oo muddan in la ogaado. Muddo Afar kun oo sano ku dhaw ayaa ka soo wareegtay wakhtigii uu ninkani ka talin jiray boqortooyadii Babylon ee bariga dhexe, haddana raadadkii uu ka tagay waa kuwo nool oo aad meel walba ku arki karto.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Dhinacyada ay raadadkiisu aadka uga muuqdaanna waxaa ugu horreeya dhinacayada diimaha (siiba diimaha samaawiga ah) iyo dhinacyada dastuurada dawladaha calmaaniga ah.

Qawaaniintii HammurabiNinkani waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee hindisay inta badan waxa ay dawladuhu dastuurrada u yaqaannaan, diimuhuna ay shareecada u yaqaannaan. Wuxuu sameeyay qawaaniin iyo xeerar qoran oo lagu ciqaabayo dadka dambiyada gala, isla markaasna dhawraya xuquuqda aasaasiga ah ee qofka. Waxa uu isku dubbariday shuruuc taabanaysa dhinac walba oo nolosha ah, haddii ay tahay guurka, meherka, furriinka, dilka, xatooyada iyo baayacmushtarka.

Kun iyo dhawr boqol oo sano ayuu ka horreeyay kitaabka Tawraad ee Nebbi Muuse (CS), haddana shareecada Kitaabka Muuse (CS) iyo Qawaaniinta Hammurabi aad ayay isugu dhaw yihiin – haddiiba aanay isku mid ahayn. Shuruucda Hammurabi waxaa ku qoran qofka qof dila in la dilo, qofka wax xada in gacanta laga gooyo, qofka il ka ridda qofka kale in isna il laga rido, qofkii ilig ka ridda qofka kale in isagana laga riddo, qofka laf ka jebiya qof kale in isna laf laga jebiyo, haddii uu guri soo dumo isla markaasna uu ku dhinto wiil uu dhalay mulkiilaha gurigu, waxaa la dilayaa wiil uu dhalay Injineerkii guriga dhisay, haddii uu nin guursado haweeney isla markaasna ay ka dalbato in uu furo isaga oo aan u galmoon, waxaa naagta laga rabaa in ay celiso meherkii uu ninku siiyay, sidoo kale ninku marka uu naagta guursado waa in uu mehersiiyaa, haddii uu tuug alaab xado isla markaasna ay dawladdu soo qaban waydo, guddoomiyaha gobolka ayaa laga rabaa in uu bixiyo alaabtii la xaday.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Dhinaca kale, shuruucda Hammurabi waxaa laga helayaa dastuurada dawladaha ugu casrisan dunida maanta. Tusaale ahaan: dastuurka dawladda Maraykanka waxaa ku jira qodobbo odhanaya, “ Qof illaa ay maxkamad xukunto looma aqoonsan karo dambiile iyo qof walba waa in uu u hoggaansamaa shuruucda dalka u taalla iyo in ay dawladdu masuul ka tahay in ay fuliso shuruucda dalka u yaalla” qodobbadan oo dhanna waxa ay ka mid ahaayeen shuruucdii Hammurabi (Hummarabi’s Code ).

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.