WorldRemitAds

Qaybtii hore ee qormadeena xiisaha wargeyska Saxafi waxaynu ku soo qaaday, qaar ka mid ah masaajidada ugu waaweyn uguna quruxda badan dunida, kuwaas oo aynu ka korodhsanay, xogo badan oo ku saabsan baaxada, taariikhda iyo muhiimada masaajidadaas, Qaaradaha Dunida ku kala yaala.

Masaajidka Iyo Maqaamka Imaam Rida Ee Dalka Iiran

masjid-imaamu-rida-iran
Masaajidka Iyo Maqaamka Imaam Rida Ee Dalka Iiran

Xarun diimeeda lixaad ee Islaamka, ahna masaajidada ugu waaweyn dunida, ee lagu magacaabo, Dariix Imaamu Rida, waxa uu ku yaala magaalada Mashhad ee Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiran, waxaanu ka mid yahay xarun diimeedyada ugu waaweyn dunida.

SomlegalAds

Masaajidka Imaam Rida, ayaa ka mid ah goobaha ugu muqadasan Mad-habta Shiicada, waxaana sanad kasta booqda ilaa labaatan milyan oo dadka Rumaysan Mad-habta Shiicada Diinta Islaamka, waxa masaajidkan dhiniciisa danbe ku aasan, Imaam Muusa Rida, oo ka mid ah culimada waaweyn ee dadka Shiicadu maamuusaan, awliyo ahaana u rumaysan yihiin.

Masaajidka Imaamu Rida waxa ku tukan kara ilaa boqol kun oo qof, waana mid ka mid ah masaajidada taariikhiga ah ee Islaamka, waxa la dhisay qarnigii sadex iyo tobnaad ee milaadiga, taas oo ka dhigaysa inuu ilaa todoba boqol iyo labaatan sanadood jiro.

Masaajidkan ayaa ku fadhiya dhul baaxadiisu dhan tahay 331-kun oo Mitir labo jibaaran, waxaana lagu tilmaama, masaajidada loogu booqashada badan yahay dunida, waxa kale oo uu ka mid yahay, goobaha taariikhiga ah ee dalka Iiraan.

Masaajidka Badshahi Mosque, Ee Magaalada Lahore Pakistan

badshahi-mosque-lahor
Masaajidka Badshahi Mosque, Ee Magaalada Lahore Pakistan

Masaajidka Badshahi Mosque, waxa uu ku yaala magaalada labaad ee ugu wayn dalka Bakistaan ee Lahore, waxaanu ka mid yahay masaajidkani kuwa ugu taariikhda dheer bariga qaarada Eeshiya iyo gacanka Hindiya.

Masaajidkan oo ah ka todobaad ee ugu wayn uguna quruxda iyo nashqada wanaagsan Masaajidada Dunida, waxa dhismihiisa hir geliyay Suldaan Aurangzeb oo ahaa xaakimkii ugu danbeeyay, maamuulkii Mongoolka ee degaanada qaarad la mooda Hindiya ka talin jiray.

Maasaajidkan waxa uu leeyahay sideed minaaradood iyo qubadood oo waaweyn, waxa markiiba ku tukan kara oo uu qaadaya boqol kun oo qof, waxa dhismihiisa la dhameeyay muddo afar qarni laga joogo, oo ku beegan 1670, dhismihiisu wuxuu qaatay muddo sadex sanadood ah, waxaanu dhamaaday, sanadkii 1673-kii, waa masaajidada taariikhiga ah ee dunida, waxaanu ka mid yahay dhismayaasha UNESCO, ku dartay dhaxalka aadamaha.

Masaajidka Jaamacu Saalax Ee Magaalada Sanca Yemen

jaamaca-saalaxMasaajidka Saalax ee Magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yemen waxa uu ka mid yahay, masaajidada ugu waaweyn uguna quruxda badan dunida islaamka, laakiin kuma jiro kuwo faca wayn ee taariikheed leh.

Masaajidkan waxa dhisay madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalle Saalax, waana sababta loogu magaca daray ee loogu yeedho, Jaamacu Saalax, masaajidkan waxa dhismihiisa ku baxay aduun lacageed oo lagu qiyaasay konton milyan oo dollar.

Waa masaajidka ugu wayn dalka Yemen, waana ka sideedaad ee ugu wayn dunida, waxa markiiba ku tukan kara konton kun  oo qof, waxaanu dhismihiisu dhamaaday oo xadhiga laga jaray sanadkii 200-dii.

Masaajidkan ayaa ku fadhiya dhul baaxadiisa lagu qiyaasay, ilaa afartan kun oo mitir, waxaana suura gal u noqon karta in qayb badan oo kale lagu kordhin karo marka loo baahdo, gudihiisa waxa ku yaala, xarun ama Mac-had diinta lagu barto, waxaanu ku jira masaajidada ugu da’da yar dhinaca taariikhda.

Masaajidka Sheekh Zayed bin Sultan Al Nahyan Ee Magaalada Abu Dabay

sheekh-zayed-abu-dhabi
Masaajidka Sheekh Zayed bin Sultan Al Nahyan Ee Magaalada Abu Dabay

Masaajidka wayn ee Sheekh Zayed bin Sultan Al Nahyan, waxa uu ku yaala caasimadda Isu Taga Imaaratka Carbeed Ee Midoobay, waxaanu ka mid yahay masaajidada casriga ah ee ugu waaweyn uguna dhismaha iyo nashqada wanaagsan dunida.

Masaajidkan waxa dhisay xaakimkii hore ee Imaaratka Carabta Sheekh Zayed bin Sultan Al Nahyan, waxaana la dhamaystiray sanadkii 2007-dii, waxaanu dhismihiisu socday muddo 11-sanadood ah, oo noqonaysa intii u dhaxaysay 1996 ilaa 2007-dii.

Masaajidkan ayay isku arkeen injineerada ugu aqoonta badan dhismaha ee dunida, gaar ahaan kuwa islaamka ah, waxaana nashqadiisa dejiyay injineerka Turkiga ah ee Eng. Yusef Abdelki, dhismaha masaajidkan oo qaada Afartan kun ilaa konton kun oo qof.

Dhismaha Masaajidka Sheekh Zayed Bin Sultan Al Nahyan, ee Magaalada Abu Dabay wuxuu ku kacay aduun lacageed oo lagu qiyasay, 2 billion dirhamka Imaaratka ah, taas oo u dhiganta (US$545 million dollar), waxaanu ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhan tahay 41-kun oo mitir labo jibaaran, waana masaajidka sagaalad ee ugu wayn, sidoo kale waxa uu ka mid yahay dhismayaasha UNESCO, hayada qaramada midoobay u qaabilsan dhaqanka iyo taariikhdu ku dartay dhaxalka aadamaha.

Masaajid Jaamaca Magaalada Delhi Ee Caasimadda Dalka Hindiya

masjid-jaamaca-delhi
Masaajid Jaamaca Magaalada Delhi Ee Caasimadda Dalka Hindiya

Masjid jaamaca Magaalada Delhi ee caasimadda dalka Hindiya waa ka tobnaad ee ugu wayn masaajidada Rabi (SW), ee aduunka oo dhan, masaajidkani waxa kale oo uu leeyahay taariikh wayn oo la xidhiidha muddada dheer ee uu jiray iyo taariikhi kala duwanaa ee dunida soo maray wakhtiyadaas.

Masaajidkan waxa dhisay Imaamkii ugu danbeeyay xukunkii Mangooliyanka ee lagu magacaabi jiray, Shah Jehan, waxaanu dhismihiisu dhamaaday sanadkii 1656-kii markii taariikhda Milaadigu ahayd.

Masjid Jaamaca caasimadda Hindiya ee Delhi, waa dhismaha labaad ee ugu quruxda badan dalka Hindiya, waxaana ka horeeya oo kaliya dhismaha caanka ah ee Taaj Maxaal loogu yeedho, waxa ku faro yaraystay masaajidkan injineeradii Islaamka ee xiligaas oo lagu tilmaamo kuwii ugu wanaagsanaa dhismaha iyo nashqadayntiisa.

Masaajidkan waxa markiibaku tukan kara oo uu qaada ilaa shan iyo labaatan ilaa sodon kun ku dhawaad, waxaanu ilaa wali ku jiraa, goobaha loogu dalxiisida badan yahay dalka Hindiya, uguna caansan, in kasta oo aanu ahayn astaanta magaalada Dehli haddana waa dhismaha ugu caansan dalkaas, muddo dheerna ku sawirnaan jiray tigidhada boosta ee dalka Hindiya.

Masaajidkan ayaa ka mid ah rukumada ugu waaweyn ee Muslimiinta dalka Hindiya ku dhaataan, waxaana ku xardhan, qiimo wayn oo taariikheed iyo dhaxal wayn oo muslimiintii ka talin jiray qaarad la mooda Hindiya ay uga tageen aduunka oo dhan, Masaajidka Delhi wuxuu ku jira macbadyada ama goobaha cibaadada ee ugu faca wayn taariikhda iyo nashqadaha dhismaha dunida.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.