WorldRemitAds

Axdi Qarameed-ku wuxuu ahaa, sharci ku meel gaadha oo la is kula qaatay shirkii Boorama 1993, kaas oo ku jirey halka distoorka, si ku meel gaadh ahna loogu dhaqmayay.

Axdi qarameedka oo mudadiisu ahayd 2 sanadood wuxuu ku eegaa Bishii May 1995, hase yeeshee duruufihii jirey awgood ayaa dib u dhigay Ilaa bishii 11 aad ee 1996 kii.

SomlegalAds

Shirweynihii 3 aad ee beelaha Somaliland oo ay ka soo qayb galeen 315 ergey oo ka socday guud ahaan beelaha Somaliland ayaa lagu laalay Axdi qarameedkii, waxaana lagu ansixiyay distoorka hadda jirra.

Sanadihii 2000 iyo 2001 ayaa mar kale golahayaasha baarlamaanadda iyo xukuumaddu ku qabyo tireen, isla markaana diyaariyeen nuqulka hadda jira, dood iyo muran dheer ka dib.

Sannadkii 2001 ayaa distoorka lagu ansixiyay afti dadweyne, taas oo distoorka lagu xalaaleeyay.

Qeexidda Axdi Qarameed W.Q Axmed-Nuur GuruujeSi kastaba ha ahaatee, Axdi Qarameedku waa sheeko berri jirtay oo waa horre dhamaatay, hase yeeshee distoorka ayaa ah ka hadeer jirra ee shaqeeya, kaas oo bedelkiisa, kordhintiisa, furistiisa iyo kaabistiisaba la soo jeedin karro.

Keliya intani waa aqoontayda qofeed iyo xog ogaalnimadayda gaar ahaaneed.

Waxa Qorey Axmed-Nuur Guruuje

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.