WorldRemitAds
Jilaaga filimada Maraykanka ee Edward Norton, ayaa afar boqor iyo shan iyo labaatan kun oo ($ 425,000), aduun gaadhaya u ururiyay, saynisyahanka u dhashay dalka Suuriya oo dhibaato wayni ka soo gaadhay dagaalada muddada afarta sanadood gaadhaysa ka socday dalkaas.

Dhibaatada ninkan saynis yahankan reer Suuriya ku dhacday, ayaa ka mid noqotay sheekooyinka loogu hadal hayn badan yahay dalka Maraykanka, taas oo ilaa aqalka cad ee dalkaas looga taliyo iyo madaxweyne Barack Obama laftiisu uu ka hadlay, marar kala duwana tusaale ugu soo qaatay, dhibaatada haysata qaxootiga dalka Suuriya.
Saynisyahanka reer SuuriyaAktarka Edward Norton ayaa sheegay inuu la ilmeeyay dhibaatada soo gaadhay ninkan saynis yahanka reer Suuriya, kaas o todoba qof oo qoyskiisa ka mid ah ku wayay, qarax miino oo ku habsaday labo sanadood ka hor.
Saynis yahankan oo imika ku sugan magaalada caasimadda u ah dalka Turkiga ee Istanbul ayaa waxa qoyskiisi oo dhan uga soo hadhay, wiil iyo gabadh uu dhalay, kuwaas oo mar walba garab jooga, waxaanu sheegay inuu hooyo iyo aabo labadaba u yahay.
Qaraxa dabar jaray qoyska saynis yahanka reer Suuriya ayaa waxa ku dhintay, xaaskiisi iyo lix qof oo kale oo qoyskiisa ahaa.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa magan gayo siiyay, waxaanu amray in si deg deg ah loo dejiyo Michigan, waxaanu dadka ku dhaqan halkaas ka codsaday inay si diiran u soo dhaweeyaan ninkaas dhibaatada wayni ku habsatay.
Jilaagan filimada badan ee caanka ah leh, Edward Norton, oo isagu ahaa qofkii dadka reer Maraykan indhahooda ku soo jeediyay, dhibaatada ninkan, lacagta badana u ururiyay, ayaa sheegay inuu la ilmeeyay, markii uu akhristay sheekada saynis yahankan reer Suuriya iyo dhibaatada ku habsatay, cid kasta oo maqashayna si la mid ah ay uga murugootay.
Sida ay ku warantay Jariirada The Guardian ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, Edward Norton ayaa shabakad warareed oo uu aad u booqdo, oo lagu magacaabo, “Humans of New York”, dhawr bilood ka hor ka daalacday sheekada ninkan reer Suuriya.
Waxaanu bilaabay inuu dadka oo dhan u soo bandhigo qaadhaan in la siiiyana uu ka codsado, taas oo uu si wayn ugu guulaystay, waxaanu sheegay in dhawaan loo soo qaadi doono Michigan, sidoo kale waxa uu Aktarkan reer Hollywood sheegay in dedaalka uu ninkan u sameeyay wax yar ka noqonayo dhibaatada ku dhacday ayna la qabaan in badan oo ka mid ah qaxootiga reer Suuriya ah.
Waxa uu shacabka Maraykanka ka codsaday inaanay maqal kuwa neceb gargaarka iyo samo falka aadamiga, kuwaas oo doonaya ayuu yidhi inaan la caawin aadamiga iyo dadka dhibaataysan.
Ugu danbayntii Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo bogiisa Facebook, kaga hadlay dhibaatada saynis yahanka reer Suuriya ku dhacday, ayaa sheegay inuu si wayn uga murugooday, xaalada uu saynis yahankaa reer Suuriya ku sugan yahay, waxaanu Madaxweynaha Maraykanku xusay inuu kansar kaga dhacay, caloosha oo aanu dawayn wanaagsan helin, saamayn badana dhibaatadu kaga tagtay, markii uu la hadlayna uu ka codsaday in shaqo la siiyo.
Waxaanu Obama oo ka hadlayaa yidhi, “Wuxuu igu yidhi, shaqo ayaan u baahnahay, waxaan rabaa inaan qof aadami ah oo jira noqdo oo aan shaqaysto, ma doonayo in lay xanaaneeyo, ee waxaan doonayaa inaan tabco.” Ayuu yidhi Madaxweyne Obama oo ka hadlayay jawaabtii saynis yahankani siiyay markii uu la hadlay ee uu ku wargelinayay in Maraykanka la dejin doono.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.