WorldRemitAds

Waa Qiso Dhab Ah

Laba cisho ka hor maalintaas waxay warbaahintu falanqaynaysay qaraxii lala beegsaday arday qallinjebisay oo xafladooda lagu qabtay Huteel Shaamow ee Magaaladda Muqdisho.

Hadal haynta qaraxaasi ayaa Caasimadda Somaliland ee Hargaysa ku badnayd Iyadoo laga murugaysnaa Falkaas bahalnimada ah ee ardayda lagu xasuuqay, Waxaan Subaxaas xili ay Saacadu tahay 8:30 u Socday Xarunta Golaha wakiiladda, Waxaan raacay Baska Taga Xaafada Jigjiga yar si aan xarunta Baarlamaanka ugaga hor dego, hada akhriste ila garo waa intii labada haad ee jidka halbowlaha ah laga dhigin sida uu hada yahay, Waxaan fadhiistay Kursiga ugu danbeeya ee Bas 30 Qof qaadaya, Waxaan akhrisanayay Wargeyska Ogaal Cadadkiisii maalintaas soo baxay, Waxaa dhagahayga ku soo dhacayay qof leh (Soo Fuula Soo Fuula, Dhakhso, Dhakhso) kuna celcelinaya Waxaan filayay inuu yahay Kirisboyga baska la socda.

SomlegalAds

Baskii buuxsan albaabkiina la xidh kadibna la dhaqaaq Nin ayaa Cod dheer ku Yidhi (Waar Rakaabkoow sow 30-kiiba ma Dhama, aniga Kun iyo Shantaydii Boqol waa taas, ) Waxaan Mooday qof u jeeda in lacagta la isku soo dardaro Laakiin Wuxuu ku ladhay hadal mar qudha dareenkayaga soo jeediyey oo Wuxuu yidhi ( Waxaan idin leeyahay Fursadna aan idin siiyee Ashahaata Waan Is Qarxinayaaye).

Ala naxdin weynaa, Jidhiidhico ayaa I saaqday markaan xaqiiqda sheego, Ilaahoow riyo nooga dhig ayaan niyada iska leeyahay, Waxaan deg deg u Jaleecay halkuu dhawaqan naxdinta lihi ka soo yeedhay Waaba ninka qudha ee Taagan halka Kirisboygu Lacagta ku uruuriyo ee albaabka baska, Waa Nin markaan qiyaaso da’diisu ay tahay dhawr iyo afartan jir, Waa nin dhexdhexaad ah dhererka, Midabkiisuna waa maariin, Waa Nin Feejigan iskana eegaya inay soo Gaadhaan gacmaha Rakaabka ka horeeya ee dhanka daleewarka xiga amase kuwa eegaya si aanay u qaban, Wuxuu Xidhnaa Dhar Midabkoodu Akhtar xigo oo isku eeg, marka laga reebo Koodh Madow oo adag, kama Muuqato il xannuun, intaas Markii uu Yidhi Wuxuu Gacanta Geliyey Koodhka hoostiisa, Waxaan u qaatay Koodhku inuu yahay ka lagu xidho walxaha qarxa hada Basku wuxuu markaas marayaa Baanka dhexe hortiisa.

Daqiiqadan iyo Il bidhiqsigan Waxaa maskaxdayda ku soo dhacay Boqol go’aan armaad sidaa yeeshaa iyo sidan kale ayaa ka roon, Waxaa ii Muuqda Islaamo waayeel ah oo Kuraasta hore fadhiyey oo Taagan Baska oo Socda kuna dhawaaqaya (Hooyo Shaydaanka Iska naar ) iyo Weedho kale.

Waxaan is idhi ka waran hadaad ka boodo daaqada igu beegan oo xigta dhanka bidix laakiin markaan eegay waaba daaqad inay furanto aan loogu talogelin, Maxaad yeeshaa ayaan is weydiiyey jid kale oo aan is idhaa waa badbaado ayaan waayay aan ahayn inaan isku tuuro halka lugaha la dhigto ee Kursiga danbe, ilayn qof kastaa wuu fikirayaaye Waxaan si hoose u riixay qofkii isoo xigay si ay igu suurto gasho inaan geli karo halka lugaha la dhigto ee hoostayada, anigoo filaya in Hadii qaraxu dhaco aan ka khasaare yaraan doono dadka intiisa kale, intaas ninku wuxuu ku soo celcelinayaa (Waar ma ashahaadateen ilaahay yuu Khaatumada waafajiyey) iyo Weedho kale oo la macno ah Gacantiisuna weli waxay ku Jirtaa Koodhka uu xidhanyahay hoostiisa, Waxaan mar kasta is leeyahay waa kaas qaraxii dhacay ee Is Tuur, .

Basku wuxuu markan marayaa iskuulka Sheekh bashiir, Gabadh rakaabka ka mid ahayd ayaa Codsatay in loo Joojiyo maadaama ay soo ilowday Saladii ay ku soo adeegatay Wuxuu ninkii ugu Jawaabay (Naa iska aamus fulayad yahay, dhimashadan kama badbaadayside ee iska ashahaado) Laakiin gabadhu way ku celcelisay dalabkeedii ilaa uu Ninkii ku amray Daleewarka inuu Joojiyo si ay gabadhani u degto, basku wuxuu istaagay Meel inyar ka horaysa Xarunta Sooyaal, Gabadhii oo aad Kubad mooda ayaa baskii ka degtay, waxaan arkayay Nin dhallinyaro ah oo rakaabka ka mid ah oo is yidhi adna deg oo fursadan ka faa’iidayso laakiin waxaa dib u riixay ninkan aanu u afduuban nahay Ilaa uu dabada dhigay Kursigii uu fadhiyey, Wuxuu ninkii kaga dareen celiyey degi taanka haweenaydaas isagoo leh (Gabadhaas ajasheeda ayaan dhamaan oo waxbaa u laaban) Weli hada waxaa si quman u taagan dhawr islaamood oo u caqli celinaya ninkii.

Markaan u fiirsaday wakhtiga uu na siiyay iyo gacantan aanu ka soo saarayn Koodhkiisa ayaan is idhi (Waar talow miyay u qarxi la’dahay bahashu Ilaahoow ay Kabidaa) Laakiin dhawr Jeer waan ashahaatay.

Waxaan xiligaas si fiican u xasuustay Qaraxyadii lagu hoobtay ee Hargaysa ka dhacay 28-kii bishii October 2008-dii oo aan Indhaygu arkeen wixii dhacay.

Waxba yaan hadal idinku daaline Baskii Wuxuu soo gaadhay Cisbitaalka guud oo ah halka ay rakaab badani sida caadada ah ku degaan, Waa markii kowaad ee ninkani uu albaabka furay, (Yaa Wax dalbanaya ayuu yidhi ilayn raxmada eebbbe lagama quustee) dhawr qof ayaa yidhi (Walaal Ma degnaa, Bukaano ayaan quraac u wadnaa IWM), Nasiib wanaag Isaga ayaaba ka horeeyay dadkii oo Toos u galay albaabka weyn ee dhakhtarka oo dad badani xiligaas ku xoonsanaayeen. Waxaan Maqlay iyadoo Qof dumar ahi leedahay (Habaar ku dhicii wuu degay) Iyo Nin kale oo leh (Halkuu Maray, Waar Ninka qabta, Wuxu yuu ahaa, Askarta haloo sheego, Bastar ayuu ahaa….) Balse oday fadhiyey Kursiga loogu yeedho Habar ma waaye ayaa ku fiiqay Ninka hadalkani ka soo Yeedhay Bakoorad uu watay isagoo ku Yidhi (Mar hore ayaad sidan dhiiran ee geesinimada leh aad u hadli lahayd ee iska aamus, Waayeelkan Tukubaha sita ayaaba ku dhaamee).

Anigu waxaan leeyahay alxamdulilaah, aar maanta waad badbaadeen masiibada ninkaas, Daleewarkii Baska ayaa Rakaabkii ku Wargeliyey in aanu jirin qof lacagtiisii bixiyey markaas ayaa Wixii soo hadhay ay lacagtii isku soo dardareen oo Daleewarki u dhiibeen.

Baskii waxaan kaga degay halkii Muraadkaygu ahaa ee Xarunta Baarlamaanka.

Waxaan isweydiiyey hadii uu qaraxaasi dhici lahaa sida ay asxaabtayda warbaahintu u sheegi lahaayeen anigana bilado aanan mutaysan iigu tixi lahaayeen Marxuun Wanaagsan ayuu ahaa, Iyo Wixii la mid ah.

Ma Ilaawo Maalintaas sida uu Ninkaasi iiga nixiyey waar hada Keligay ma aha 30-kii qof ee kale ee Safarkaas gaaban igu wehelinaysay Xaqiiqdii nagamuu Xishoon

Yuusuf Maxamed Ismaaciil.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.