WorldRemitAds

Aktarad u dhalatay dalka Kuuriyada Koonfureed oo ka mid ah, jilayaasha loogu jecel yahay dalkeeda, ayaa dood iyo muran badani ka dhashay, waraysi ay dhawaan bixisay, oo ay kaga hadashay nolosheeda iyo sida ay jiil jiilanaanteeda jidheed iyo quruxdeeda u ilaaliso.

Aktaradan oo lagu magacaabo, Lee Tai M, ayaa waraysi lagula yeeshay barnaamijka Video Star oo uu baahiyo, telefishan maxali ah oo ku yaala dalkeeda, ku sheegtay in maalintii oo dhan ay quudato sadex malqaacadood oo bariis ah.

Haweenaydan ayaa sheegtay in qadoodiga iyo gaajada ay u mudatay, sidii ay isaga ilaalin lahayd inay naaxdo oo ka dibna cayilka iyo baruurtu wax u dhinto quruxdeeda sida ay aaminsan tahay ama ay ku dooday.

SomlegalAds

Aktaradan Lee Tai M. ayaa sheegtay in muddadii lixda bilood ee ugu danbeeyay ay dagaal adag kula jirtay baruurta iyo cayilka jidhka, oo ay sadex malqaacadood oo bariis ah, maalinta oo dhan cuni jirtay, ka dibna ay ku guulaysatay inay iska rido miisaan badan, soona ceshatay quruxdii jidheed ee ay lahayd.

Gabadhan ayaa sheegtay in ay ka cadhootay muuqaalada sawiro laga qaaday, mar ay jilayeen filim cusub oo ay dhawaan soo saari doonaan, xiligaas oo sida ay sheegtay ay aragtay in hablihii kale ee ay wax wada matalayeen ka wada qurux badnaadeen, iyadana ay baruur jidhkeeda gashay fool xumo ku keentay.

Waxaanay xustay in laga bilaabo markaas ay bilowday in maalinta oo dhan ama sadexda wakhti ay sadex malqaacadood oo bariis ah ku soo koobto cuntadeeda.

Hadalkan ama waraysigan ay gabadha aktarada ah ee reer Kuuriya bixisay ayaa muran iyo dood badan ka dhex abuurtay, taageerayaasheeda, gaar ahaana shabakadaha xidhiidhka bulshada, waxaanay dadka doodaas ka qayb galay intooda badani ka sinaayeen mucaaridad ka dhan ah dooda aktaradan iyo sida ay quruxda u raadinayso oo halis gelin karta nafteeda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.