WorldRemitAds

Nin u dhashay dalka Austria ayaa ka yaabiyay dunida maalintii shalay ka dib markii uu meel ka baxsan gibilka oogada dhulka ama gaadhsiisan goobta loo yaqaano, [SPACE], kaga soo booday, isaga oo ku socda xawaare ka dheeraynaya guuxa.

Ninkan oo lagu magacaabo Felix Baumgartner da’diisuna tahay sadex iyo afartan jir, waxa uu sii raacay markii hore Buufimo “Balloon” ku shaqaynaya gaasta Helium-ka loo yaqaano taas oo uu kaga baxay Gibilka sare ee Oogada dhulka, ka dibna si xor ah isaga oo aan wax xajinayaa jirin isaga soo tuuray halkaas markii uu gaadhay.

SomlegalAds

Bootada ninkan oo dad badani aaminsanaayeen in ay tahay mid qar iska tuurnimo ah, ayaa dadkii qaban qaabinayay ay wadnaha farta kaga hayeen in Felix uu dhulka ku soo noqon kari waayo ama cilado farsamo dhacaan, laakiin waxa uu ninkani ku guulaystay in uu si caadi ah oo bad qab dhulka u soo gaadho.

Ninkan ayaa doonayay in uu jabiyo afar rikoodh oo hore dunida uga yaalay, kuwaas oo ay ka mid yihiin, ku soo dagista la isticmaalo nidaamka Kabsoolka ah ee cirbixiyeenadu dhulka ku soo gaadhaan marka ay hawada hoose soo galaan, iyo rikoodho kale oo hore loo dhigay, waanu ku guulaystay ugu danbayntii.

Ninkan reer Austria markii uu soo gaadhay meeshii loogu tala galay ee goostay baarashuutka ayaa saacab iyo farxad la isla oogsaday xarun laga hagayay horana uu uga duulay oo ku taala, Roswell, New Mexico Dalka Maraykanka.

Inkasta oo uu xidhnaa dharka kulaylka iyo gubashada ka celiya aadamiga ee ay xidhaan cir-bixiyeenadu, haddana waxa uu halis ugu jiray, Felix Baumgartner in uu guban karo, heer kulka uu jarayo oo dhalin karayay dhab, marka loo eego goobta uu ka soo booday, waxa kale oo suura gal noqon karaysay in uu xadkaba ka baxo oo kor u dhaafo cuf is jiidadka oo uu wax ka yar dhawr taako u jiray markaas.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.