WorldRemitAds

Sida warbaahinta ugu waaweyn Qaarada Yurub intooda badani baahiyeen, qoys ka kooban lix qof oo u dhashay dalka Talyaaniga, ayaa noqday mucjiso iyo hal xidhaale jawaabtiisu ku adkaatay xeel dheerayaasha waaweyn ee caafimaadka iyo tignoolajiyada casriga ah ee habdhiska aadamiga ku saabsan.

Qoyskan Talyaaniga ah oo ka kooban lix qof oo kala Ah Ayeeyo 78-jir ah, labo gabdhood oo ay dhashay oo konton jir iyo labo iyo konton jir kala ah, iyo labo wiil iyo gabadh ay Ayeeyo u tahay haweenayda wayn ayna kala dhaleen labadeeda hablood oo da’doodu kala tahay 24, 21 iyo 16-jir, ayaan haba yaraatee dareemin xanuun kasta oo ku dhaca ama dhaawac kasta oo soo gaadha jidhkooda.

Qoyskan lixda qof ka kooban ayaa xaaladoodan layaabka leh ee aanay xanuunka, dhaawaca iyo nabarada soo gaadha ku dareemayn, ay ugu wacan tahay, xaalad caafimaad oo abuurka jidhkooda la xidhiidha, taas oo ka mid ah xaalada dhif iyo naadirka ah ee aduunka mararka qaarkood ka dhaca.

SomlegalAds

Waxaana sida xeel dheerayaasha caafimaadka ee muddada dheer ku hawlanaa sheegeen xaaladan caafimaad ee layaabka leh lagu magacaaba, marka afka sayniska iyo caafimaadka laga hadlayo, “Marsili”.

Qoyskan ayaa qof kasta oo ka dhaawacmaa aanu dareemin xanuunka nabarka ama jabka soo gaadhay, xubnaha jidhkiisa, taas oo ah xaalada ka yaabisay dhakhaatiirta oo markii ay waxba ka garan waayeen xaalada mucjisada ah ee qoyskan ugu magac daray Marsili oo ay ka soo qaateen magaca qoyskan.

Sida uu warbaahinta u sheegay Dr. James Cox oo ka tirsan Jaamacada University College London, qoyskan ayaa awood u leh in nabar kasta oo jidhkooda ku dhaca aanay xanuunkiisa dareemin, xitaa haddii dhaawaca ama nabarka soo gaadhay lafaha oo jajaba gaadho.

Sida Dr. James Cox uu sheegay mid ka mid ah labada gabdhood ee qoyskan ayaa iyadoo baraf ku ciyaaraysa ka jabtay garabka gacmaheedda midkood, hasa yeeshee may dareemin xanuun iyo wax garaac ama kaar ah.

Taas oo inta ay si caadi ah u dhamaysatay ciyaarteedi barafka ka dibna kaxaysatay gaadhigeedi ay wadatay oo gurigeedi ku noqotay, iyadoo garabka gacantu jaban yahay, hasa yeeshee aan dareemin oo aan wax xanuun ah aan jidhkeedu dareemin.

Xaaladan oo ah mid aad u layaab badan, sababtoo ah, qof kasta oo dadka kale ee caadiga ah oo gacantu jabato ama garabku jabo, suura gal umay noqon karteen inuu xitaa barafka ka dhex kaco ilaa gurmad loo fidiyo, halka ay haweenaydan ka tirsan qoyskan mucjsida ahi si caadiya ugu laabatay gurigeedi iyadoo waliba gacantii garabku jabay ku kaxaysatay gaadhigeedi ay wadatay.

Dhakhaatiirta oo muddo dheer baadhayay xaalada qoyskan ayaa ka yaabay basbaas xad dhaaf ah oo ay qoyskaasi cunaan, ama wax kasta oo ay cunayaan ay ku darsadaan, hasa yeeshee taasi umay noqon mid ilaa wali ay ku qancaan oo jawaab u noqon karta xaalada layaabka leh ee qoyskan.

Dhakhaatiirta ayaa ku hawlan sidii ay u heli lahaayeen dhaxal sidaha (genetic mutation) ee qoyskan awooda u siinaya in aanay xanuunka ama dhaawacyada soo gaadha dareemin, kaas oo haddii lagu guulaysta xal ama suuxdin dabiici ah u noqon doona bukaanada dunida ee xanuunka badan dareema marka dhaawac gaadho jidhkooda ama nabar ku dhaco.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.