WorldRemitAds
Bujumbura, Burundi, December 14, 2015 (Saxafi) – Tirada dadkii ku dhintay rabshadihii caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxay kor u dhaafeen 87 qof, kuwaasoo u badan shacab maydadkooda lagu arkay qaar ka mid ah xaafadaha ay ka kooban magaalada Bujumbura.

Siddeed ka mid ah dadkan ayaa la sheegay inay ahaayeen saraakiil ciidamada dowladda ka tirsan, halka 49-qof oo kalena la sheegay inay ahaayeen shacab ka qab-qabteen xaafadaha magaaladaas, sida uu sheegay, Col. Gaspard Baratuza oo ka tirsan millateriga dalka Burundi.
Dadka ku nool caasimadda Burundi ayaa sheegay Jimcihii lasoo dhaafay in maydadka 34-qofoo shacab ahaa laga helay waddooyinka magaaladaas qaar ka mid ah, iyagoo dilka dadkan shacabka ah ciidamada dowladda.
87 Qof oo ku dhintay BujumburaMagaalada Bujumbura ayaa waxaa weli ka socda rabshado, iyadoo laga maqlayo rasaasta noocyadeeda kala duwan; waxayna rabshadahani billowdeen markii ay kooxo hubeysna weerareen saddex saldhig oo ciidamada dalkaas ay ku leeyihiin dulleedka magaalada caasimadda laba maalmood ka hor.
Bannaanbaxyada rabshadaha wata ayaa waxay ka billowdeen caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura bishii Abriil ee sannadkan, markaasoo madaxweyne Pierre Nkurunziza uu ku dhawaaqay inuu xilka u taramayo mar saddexaad..
Nkurunziza ayaa waxaa xilka madaxnimo ee dalkiisa mar kale loo doortay bishii July ee sannadkan, inkastoo kooxaha mucaaradka ah ay weli kasoo horjeedaan in Pierre Nkurunziza mar saddexaad uu dalkaas xukumo, iyagoo ku tilmaamay in taasi ay tahay mid lagu carqaladeynayo dastuurka dalka Burundi.
Sidoo kale, Col. Gaspard Baratuza oo faahfaahin dheeraad ah ka bixinayay wixii khasaare ahaa ee ka dhashay rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay xarunta dalka Burundi ayaa sheegay in dadka la dilay ay intooda badan ahaayeen kooxo cadow ah.
“Dadkii ku dhintay rabshadihii Bujumbura 79-qof oo ka mid ah waxay ahaayeen cadow, waxaana kooxaha cadowga ah laga qabtay 45 qof iyo hub 97 Qori ah. Dhankeenna waxaa nooga dhintay rabshadaha sideed askari, 21-qof oo kalena waa way naga dhaawacmeen,” ayuu yidhi Col Baratuza.
Ugu dambeyn, illaa hadda dhinacyada mucaaradka Burundi kama aanay hadlin khasaarihii ka dhashay rabshadihii Bujumbura ka dhacay, balse rabshadahaan ayaa sii xoojinaya qulqulatooyinkii ka taagnaa dalkaas tan iyo horraantii 2015-ka.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.