WorldRemitAds

Rajo La’aanta ay Muddo-Kordhinta Golaha Wakiiladdu ku keenayso Dawladnimada Iyo Dimuqraadiyadda Somaliland. Waa Faallada Wargeyska Oo uu qoray Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Saxafi ee Gobolada galbeedka Somaliland

Mar kale ayaa golaha Guurtida Somaliland sidii caadada u ahayd muddo xileedkii u kordhiyeen Golaha Wakiilladda oo 14 sano halkaas fadhiyey, waxayna meesha ka saareen doorashooyin Somaliland ka dhaca ilaa wakhti aan la ogeyn.

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

Dadweynaha Somaliland, dalalka deeqbixiyayaasa ah iyo cid kasta oo jecel dawladnimada Somaliland ayaa arrintan u aragta mid ay heshiis ku yihiin xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Xisbiyada Siyaasadda, iyo saddexda Goleba.

Warkan dhiilada xambaarsan ee ka soo baxay Guurtida ayaa u muuqda mid dulmi iyo duudsi ku ah xuquuqda muwaadiniinta gudo iyo debedba, iyadoo dhinaca kalena cadowga Somaliland farxad gelinaysa, maadaama arrimaan Somaliland ka dhacaya ee dhinaca siyaasaddu horseedayaan inay reer Somaliland u digrogtaan dawladda taagta daran ee Muqdisho, halkaasoo ay ka hellaan soo dhaweyn iyo fursado shaqo oo ay Somaliland ka waayeen laguna dabayo ama lagu xero gelinayo.

Soomaalida ayaa ku mahmaahda ”Geela Duqdiisu durdurisay Aarankiisa maxaad u malayn.”, meesha odayaashii iyo culimadii dalkan ka soo qayb qaadatay dhismihiisu duminayaan Somaliland cid kale oo ka qabanaysaana jirin hadday dawlad tahay iyo hadii ay shacbi tahayba, waxa hubaal ah inay dawladnimadii dalku god ku dhacayso mar labaad. Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo madaxda xisbiyada siyaasadda oo lagu daray golayaasha qaranka ayaan ka badnayn 200 oo qof, wax kasta oo dibin daabyo ah oo dalka maanta haystana waxay dusha ka saran tahay labadaa boqol ee aan dantooda mooyee dantii shacbiga iyo dalkaba meel iska dhigay.

Talo xumada Golaha guurtidu ku taliyeen inaan dalka doorasho ka dhicin iyagoo sheegay in sannadkan dabayaaqadiisa ama bisha Diisambar, komishan muran ka taagan yahay doorasho qaban doono, waa ma dhacdo iyo maaweelo meel ay mariyaan oo kale ay garan waayeen. Xisbiyada siyaasadda madaxdooda ayaan meesha ka madhnayn, waa siyaasiyiin toban wejiilayaal ah oo aan sida siyaasiyiin xisbiyada caalamka wax xil ah iska saarin xidhiidhka bulshada ay codka ka doonayaan, umana sheegaan shacbiga badbaadinta dalka hadii ay mucaarad yihiin iyo hadii ay muxaafid yihiinba, waxayna iyaga, golayaasha iyo xukuumadduba ka simanyihiin inay dantooda iyo kuraastooda eegtaan.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Haddaba marka laga yimaaddo dhibaatada iyo niyadjabka go’aankan guurtidu ku ridayo nidaamka dawladnimada iyo shacbiga la dulleystay, waxa kale oo cid kasta oo dalkan jecel dawldnimadiisu dib u eegeysaa meesha dawladnimada Somaliland ku dambayn doonto marka doorasho dhici weydo ee isbeddel iman waayo, khilaafka dawladda iyo mucaaradkuna faraha ka sii baxo, dhaqaale darada iyo sicir bararkuna sii xoogeysto, xumaantii iyo xiqdigii siyaasadda lagu kala qaaday doorashadii kursiga dalka u sarreya keentay Muuse Biixi sii korodho, shaqo la’aantu badato, gobolada Bari iyo galbeedkuna kusii jiraan isku dheelitir la’aanta xilalka iyo golayaasha qaranka ee dhinaca ka raran, laguna daro cadaawadda iyo dagaalada Somaliland kaga imanaya Soomaaliya waxaana cid kastaa garan kartaa inaan dawladnimada Somalilland ahaan doonin sida maanta ay tahay balse ay kasii hooseyn doonto, dalalka u heellan ee ka taageera dimuqraadiyadduna dhabarka ayay u jeedin doonaan oo waxaa hadhayn doona takoor dhinaca diblomaasiyadda iyo ictiraafka lagaga quusan doono.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.