WorldRemitAds

Addis Ababa, Ethiopia, July, 19, 2018 (Saxafi) – Raysal-Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Ali ayaa laamaha amniga dalkiisa ku amray in sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamo loo geeyo deegaannada ay ku dagaalamayaan Qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada, kaddib markii la dilay mas’uuliyiin ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Guddoomiye degmo iyo madaxii hogaanka Amniga degmada Filtu ayaa la sheegay in toogasho lagu dilay xili ay ku safrayeen qaybo ka mid ah deegaannada ay ka socdaan dirirta labada Qowmiyadood, hase ahaatee dhab ahaan lama xaqiijin cida rasmiga ah ee ka dambeysa dilkan labada mas’uul.

SomlegalAds

Ciidamadan uu amray Raysal-Wasaare Abiy Ahmed in la geeyo goobaha ay dirirtu ka socto ayaa noqon doona kuwa isku dhaf ah, waxaana uu intaa ku daray Raysal-Wasaaruhu in ay jiri karto gacan kale oo ku lug leh dagaallada Labada Qoomiyadood.

Waxaa jira tuhunno soo baxaya oo sheegaya in mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan xisbigii hore dalka u maamulayay uu qeyb ka yahay colaadda labada dhinac iyaga oo taas uga dan leh ayaa la leeyahay in ay ku fashiliyaan is bedellada cusub ee Raysal-Wasaare Abiy Ahmed uu doonayo uu dalka ka sameeyo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.