WorldRemitAds

Addis Ababa, Ethiopia, June 9, 2018, (Saxafi) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed ayaa isbedel uu ku sameeyay hogaanka sare ee ciidamada Militeriga iyo Sirdoonka dalkan Geeska Africa ku yaalla, markii ugu horeysay mudo 17-sano ah.

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Ethiopia ayaa loo magacaabay Seare Mekonnen, oo asal ahaan ka soo jeeda Eritrea, oo ah dal yar oo ka go’ay Ethiopia 1993, islamarkaana colaada kala dhaxeysa.

SomlegalAds

Seare ayaa ka soo jeeda qowmiyadda Tigray, oo ah mida mudada ugu badan xilalka Taliye-yaasha Militeriga, Amniga iyo Sirdoonka soo haysay tan iyo markii awooda uu la wareegay xibiga (EPRDF) 1991.

Sidoo kale, Seare ayaa hadda xukunka kala wareegaya General Samora Younes, oo isna ka soo jeeda isla qowmiyaddaTigray kaasi oo xilkan soo hayay tan iyo sanadkii 2001.

Abiy Axmed ayaa Agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka u magacaabay Adem Mohammed, kaasoo asal ahaan ka soo jeeda Qowmiyadda Amxaaradda, oo mid ah kuwa ugu waa weyn dalka Ethiopia.

Adem, oo xilal kala duwan ka soo qabtey Ciidamada, ayaa hore usoo noqday Taliyaha Ciidamada Cirka Ethiopia iyo ku xigeenka Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee dalkaasi.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha Abiy Axmed ee isbedellada gudaha iyo dibadda ee uu ku sameynayo dalka Ethiopia, isagoo dhawaan shaaciyay inuu degmada Badme ku wareejinayo Eritrea.

Badme ayaa ka mid ah xadka lagu mursansan yahay, oo Eritrea iyo Ethiopia uu dagaal ku dhexmaray 1998-2000 kaasi oo lagu dilay 100,000 oo qof, sidoo kalena malaayiin ay ku barakaceen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.