WorldRemitAds
Gaalkacyo, Somalia, November 30, 2015 (Saxafi) – Wefdi uu horkacayo Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali iyo madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed oo wadda socda ayaa shalay galab gaadhay Gaalkacyo, si ay ugu biiraan dadaallada nabadeed ee socda si xal waara oo loogu hello khilaaf siyaasadeedka gacan ka hadalka sababay ee u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ka dagay wefdi uu horkacayo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo socdalkooda qeyb ka ah xoojinta nabada Gaalkacyo.
Raysal-Wasaaraha Somalia Oo Gaalkacyo Ka DegayRaysal wasaare Sharma’arke oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay in saacadaha soo socda laga sugayo magaalada Gaalkacyo madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed oo la filayo inay kawada hadlaan colaada iyo xurgufta siyaasadeed u dhaxeysa.
Inkastoo la filayo in labada madaxweyne ay ka wada-hadalaan khilaafka u dhaxeeya ayaa haddana waxaa muuqata in wali uu jro kala shaki labada dhinac ah, madaama ay saxaafada isku marinayaan erayo colaadeed oo la odhan karo waan kuwo aan u faa’ideyneynin waan-waanta socta.
Ugu dambeyn, odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa iyana baaq nabadeed ku biiriyay dadaallada nabadeed ee la waddo iyaga oo labada dhinac ugu baaqay in ay colaada nabad ku badallaan, kana wadda-hadallaan wixii khilaaf ah ee jira.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.