WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 5, 2018, (Saxafi) – Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guryeynta ee Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa gaadhay magaalada Buuhoodle halkaasi oo si balaadhan loogu soo dhaweeyay. Bulshada soo dhawaysay iyo wasiirka ayaa soo jeediyay in aan loo baahnayn in Puntland colaad u soo rarto gobolka Buuhoodle, islamarkaana fidno ka abaabusho.

Wasiir Qambi oo bulshada la hadlay waxa uu ugu baaqay in ay nabada ilaashadaan kana fogaadaan durbaanka qabyaaladda ee Puntland garaacayso kuna waydiisanayso ciidamo, hub iyo adduun si ay ula dagaallanto Somaliland.

SomlegalAds

Wasiirka Qambi oo la hadlaya dadweynaha Buuhoodle ayaa waxa uu yidhi “Reer Buuhoodle in lagu hawl galiyo wax aan agtooda oolin oo aan u dhawayn oo nabad galyadooda lagu jabiyo wax wanaagsan maaha, reer Buuhoodle-na taas waxay ku ogaan karraan wixii Kalshaale ka dhacay, cidii maanta doonaysa ee leh ciidamo soo gurra oo soo kaca oo tolaayeey markaasba may jirin maantana waxay u timaadaa may jirin, reer Buuhoodle waxaan odhan lahaa nabad galyada aad haysataan iyo wanaaga aad haysataan waxa wanaagsan inaad ku fara adaygtaan.”

Wasiirka hawlaha guud ee Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Dawlada Somaliland inay halkan wax fidno ah ka kiciso iyo inay wax dhib ah ka gaysato iyo inay dagaal meelna ku qaado diyaar uma aha falina mayso, waxaanan u sheegayaa Puntland inaanay waxba u tarayn inay dagaal ka dhex bilaabaan dadka dhexdiisa si wakhtiga loogu kordhiyo, waxaanan odhan lahaa Somaliland dagaal ay wadaa oo ay cid ku qaadaysaa oo ay Puntland ku qaadaysaa oo ay bilaabaysaa oo ay horseed ka tahay ma jiro.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.