WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 24, 2017 (Saxafi) – Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay in aanu weli dhamaan heshiiskii Somaliland ay la galeen, Islamarkaana ay sugayaan hirgelin.

Cali Khaliif oo shalay ka hadlay madal Hargeysa ka dhacday oo lagu marti qaaday Bille Rafle ayaa waxa uu ka sheegay in hirgelinta heshiiskii uu ku matalayay Maamulkiisii Khaatumo fulintiisa uu sugayo. “Waxa la yidhi mar Siilaanyo iyo saaxiibkii Cali Khaliif ayaa heshiiyay, marna qolo reer bari ah ayaa meelahaas ku shirshiraysay. Waar wax dhamaaday ma jiraan, heshiisyo waan kala saxeexanahay. Laakiin, heshiisyaddii fulin ayay u baahan yihiin. Waar Reer Hargeysow hadaad odhan lahaydeen bahashii Caynaba inay dhaafto ayaan ka baqaynaa xaggaa iyo Saraar iyo dhul aan laba gaadhaynin inay tagto ayaan ka baqaynaa.

Nabadda iyo wada noolaanshaha Somaliland kuma xidhna oo maaha xuduudka reer Sheekh Isaxaaq. Hadday ku xidhan tahay shan iyo labaatan sanadood ka hor ayaad rakibteen. Annaga macruuf hanoo sameynina ee Somaliand aan u wadda hiilino. Ninkii banaayoow lagu fasax. Allahu ma hal-balaqtu.

SomlegalAds

Idin soo gaadhsiinay. Reer Hargeysow haday daacad idinka tahay Somaliland la wada dhisto aan u wadda hiilino, haddii kalena hanagu eedaynina.” Ayuu yidhi

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.