WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, November 05, 2015 (Saxafi) – Duufaano dabaylo wata oo ka dhashay hirar is biirsaday oo taxan ilaa badwaynta Bada cas ayaa sababay wax ay dadka deegaanka Lughaya ugu yeedheen SUNAAMI, taasi oo khasaare mood u badan iyo barakac sababay.

Iyadoo dhinaca kalena roobab mahiigaan ahi shalay gelinkii dambe ka bilowdeen magaalada kuwasoo ilaa xalay aan kala joogsan.

bullaxaar-300x225Maayarka degmada Lughaya Axmed Dixood oo khadka isgaadhsiinta ugu warramay warbaahinta Boorama ayaa yidhi. “Saqdii dhexe ee xalay ayay ahayd markii ay dabaylo ka dhashay hirarka bada cas sababeen in ay badu soo fatahdo soona gasho barriga, gaar ahaan magaalada Lughaya iyo deegaamo tiro badan oo xeebta ku teedsan. Ilaa hadda ma jiraan wax dhimasho iyo dhaawac ah oo dadka iyo duunyada soo gaadhay, balse waxa jira qasaare kale oo baahsan oo dhinaca mood-ka ah, biyaha badda ee milixda ah ee soo galay barrigu waxa ay la tageen weelkii, cunadii iyo wax walba oo hoos yaalay guryaha, Xalay (Habeen hore) oo dhan dadku dibad yaal ayay ahaayeen, waxana wali taagan xaaladaas adag u baahan gurmadka degdega ah. Doonyahii Kaluumaysata ee bada xeeligeeda yaalay oo dhan dabaylahaasi duufaanta wataa dibada ayay u soo tuureen, sidoo kale laba Doonyood oo carabtu lahayd oo bada joogay oo shidaal qaadi lahaana, waxa ay soo dhigeen dabayluhu banaanka, qasaarana waxa uu ka soo gaadhay mishiinada, taasna waxa ka daran in kaluumaysatadii deegaankaasi ay maanta yihiin kuwo banaan yaal ah oo ka fara baxay doonyahii ay ku Kaluumaysan jireen ee quutal daruurigoodu ku xidhnaa” ayuu yidhi Maayar Dixood.

SomlegalAds

Isaga oo hadalka sii wata waxa uu maayarku intaa raaciyay in biyo la’aani ay ka jirto deegaamada Buluqoxle, Ido-cadays iyo Fuguxo oo bari kaga toosan magaalada Lughaya, waxaana ay biyo la’aantaasi ka dhalatay ka dib markii ay ceelashii laasaska ahaa ee ay dadku gacanta ka qoteen ee ay biyaha macaan ka cabi jireen ay biyahii dhanaanaa ee badu galeen,

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.