WorldRemitAds
Rugcadaagii Suxufiga ahaa ee Maxamed Xasan Haykal ayaa ku geeriyooday dalka Masar, waxaanu suxufigan oo in ka badan toddobaatan sanadood oo xidhiidh ah ka shaqaynayay saxaafadda xilli kala duwan oo ilaa wasiir ahna ka soo qabtay dalkiisu ku geeriyooday isaga oo da’diisu 93-jir tahay.

Maxamed Xasan Haykel ayaa bishii September 1923-kii ku dhashay degaanka Qayluubiya ee dalka Masar, waxaana hawshiisi wariye nimo ee ugu horaysay la kowsatay dagaalkii Falastiin yuhuudu ku qabsatay, kaas oo uu caan kaga noqday dalkiisa, si dadka carabtu jeclaysteena u soo tabin jiray.
Haykel ayaa intii uu ka soo waramayay dagaalka Falastiin ay isku barteen Madaxweynihii hore ee dalka Masar Jamal Cabdi Naasir oo wakhtigaas ka mid ahaa, saraakiishii sar sare ee dagaalka hogaaminayay, halkaas oo ay saaxiibtinimadoodi ka sii socotay ilaa uu Jamal Cabdi Nasir Ka Geeriyoonayay.
Madaxweyne Jamal Cabdi Naasir ayaa u magacaabay guddoomiyaha wargeyska dawlada Masar ee Al Ahram, kaas oo uu muddo 17-sanadood ah guddoomiye ka ahaa, waxaanu ku guulaystay inuu wargeyskaas oo afka dawlada ku hadla ka dhigo ka loogu iibsiga badan uguna caansan dunida carabta.
Waxa kale oo uu noqday wasiirkii warfaafinta ee dalkiisa, xilkaas oo mudadii uu hayay uu ku guulaystay balaadhinta iyo dhismaha wasaarada, waxaanu hirgeliyay wakaalada wararka bariga dhexe iyo xarunta satalaytka ugu wayn bariga dhexe ee Nile Site.
Markii xilka wasiirka warfaafinta laga qaaday ayaa laga dhigay wasiirka wacyi gelinta qaranka ee dalka Masar, waxa kale oo xilalka uu qabtay ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibada ee Masar oo uu muddo todob maalmood oo kaliyay ahaa.
Markii uu dhamaan xilalkaas kala duwan ee dawlada ka tagay ayuu dib ugu noqday shaqadiisi wariye nimo, waxaanu noqday qoraa iyo siyaasi caan ah, soona saaray buugag badan oo uu ugu caansanaa, buug uu kaga sheekaynayay dhacdooyinkii maamul ee uu goob jooga ka ahaa iyo waxyaabihii qarsoodiga dawladu u qaban jirtay.
Buugaas ayaa ka mid noqday kuwa loogu iibsiga badan yahay, waxaana xiisa loo hayo dartii lagu turjumay luuqada badan oo ajnibi.
Maxamed Xasan Haykel ayaa ka mid noqday shabakada wararka Aljazeera ee xarunteeda caasimadda Qatar ee Doha tahay, taas oo uu ka baahin jiray barnaamij todobaadle ah oo lagu magacaabo “Maca Haykal”.
Sida taariikhdiisa lagu sheegay waxa uu ahaa wariye xukuumadaha kali taliska ah la shaqeeya, oo u dejiya siyaasado furfuran iyo nidaam warbaahineed oo dadku qaadan karo.
Waxa uu ka mid ahaa dadka ugu waayo aragsan saxaafada dunida iyo ta carabta, waana suxufiga kaliya ee muddadii xulafadu go’doominta ku hayeen caasimadda Jarmalka ee Berlin sida tooska ah uga soo waramayay.
Waxa kale oo uu ahaa wariyaha kaliya ee waraysigii ugu dheeraa taariikhda ka qaaday, saynis yahankii mucjisada ahaa ee Anistayn.
Maxamed Xasan Haykel ayaa ku hadli jiray luuqada Jabaniiska waxaanu muddo sodon sanadood ah wariye ka ahaa jariirada ugu wayn dalka Jaban.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.