WorldRemitAds
Dimishiq, Suriya, December 21, 2015 (Saxafi) – Dawladda Ruushka ayaa sare u qaadday weerarada ay ka waddo dalka Suuriya gaar ahaana, goobo ay ku sheegtay inay ku sugan yihiin kooxo xag-jir ah oo ay ugu mudan tahay kooxda lagu magacaabo ISIS. Kuwaasoo loo adeegsaday hub cusub oo firidhkiisu u egyahay Balanbaalista.

Duqeymo 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ka dhacay Suuriya ayaa lagu dilay ku dhawaad 70 qof oo qaar badan oo ka mid ah la wariyay inay ahaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan, dhimashada ugu daran ayaa la sheegay inay ka dhacday magaalada Albaab iyo Tal-rafcad oo dhammaatood kawada tirsan gobolka Xalab.
Ruushka oo BalanbaalisKooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadamaha qaarkood ayaa ka dayriyay xaaladda ka sii daraysa ee Suuriya. Iyaddoo Dawladda Ruushku ay ka wado duqeymo aan kala go’lahayn dhammaan magaalooyinka ka maqan gacanta nidaamka Suuriya.
Diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa la sheegay inay weeraradan u adeegsadeen hub cusub oo khatar ku ah shacabka. Suuriya, kuwaasoo la tilmaamay inay ku jiraan Bambaanooyin firidhkoodu shaabaho ama u egyahay xasharaadka Balanbaalista, kuwaasoo mar kale loogu talo galay inay ku qarxaan ciddii taabata. Waxaana dadka arrimahan ka dayriyay tilmaameen in gaar ahaan caruurtu ay hubkan halis ugu jirto maadaama ay jecelyihiin inay ku ciyaaraan cayayaanka quruxda badan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.