WorldRemitAds

Sanad kasta marka la gaadho bisha barakaysan ee Ramadaan, waxa inta badan warbaahinta dunidu diirada saartaa, saacadaha soonka ee Muslimiinta ku dhaqan dhamaan waddamada dunida, kuwaas oo marba xili sanadeedka ay Bisha Barakaysan ee Ramadaan ku soo beegantaa saamayn ku yeelato Soonkooda.

Xog ururinta Soonka oo sanadihii ugu danbeeyay ka mid noqotay waxyaabaha loogu xiisaha badan yahay, ee warbaahinta aduunkuna sida wayn uga faa’iidaysato soo tabinteeda, xitaa warbaahinta reer galbeedka iyo waddamada Islaam nacaybka badani ka jiraa ay ka siman yihiin.

SomlegalAds

Waxa ay sanadkan 2018-ka mar kale safka hore kaga jirtaa warbixinaha ugu xiisaha badan, taas oo khabiiro kala duwan oo kuwa caafimaadka aadamiga iyo dadka daraaseeya diimihu ka hadleen faalooyin kala duwana ay ka bixiyeen.

Haddii aynu u soo noqonayo saacadaha ugu dheer ee soonka iyo kuwa ugu yar iyo meelaha laga soomayo aduunka, waxa sanadkan markii afraad kaalinta koowaad ka galay muslimiinta ku dhaqan Jasiirada Iceland kuwaas oo noqday kuwa saacadaha ugu dheer Soomaya bisha barakaysan ee Ramadaan, halka muslimiinta New Zealand ay ka noqdeen kuwa wakhtiga ugu yar soomaya.

Sida xog ururin laga sameeyay cadaysay, muslimiinta Iceland ayaa sanadkan Soomaya 21:53, labo iyo labaatan saacadood oo todoba daqiiqo ka dhiman tahay, taas oo ka dhigaysa wakhtiga ay afurkooda iyo suxuurtooda u dhaxaysaa laba saacadood oo kaliya.

Muslimiinta New Zealand oo ah kuwa saacadaha ugu yar soomaya sanadkan waxay soomi doonaan, 11:04, taas oo toban saacadood iyo konton daqiiqo ka yar xadiga muslimiinta Iceland soomayaan, isla markaana noqonaysa mid xataa ka yar 12-ka saacadood ee maalintu tahay.

Akhriste halkan ka akhriso dhamaan waddamada aduunka oo dhan saacadaha laga kala soomi doono, halkaas oo aad ka ogaan karto farqiga u dhexeeya muslimiinta ku kala dhaqan aduunka, taas oo ay sabab u tahay hadba xili sanadeedka ay bisha barakaysan ee Ramadaan ku soo beeganto, oo wakhtigan ku soo beegantay wakhtiga xagaaga ee sanadka.

Somaliland, 13 saacadood iyo 27 daqiiqo, Ethiopia 13 saacadood iyo 53 daqiiqo, Djibouti iyo Somalia waxa laga soomayaa sadex iyo toban saacadood iyo todoba iyo labaatan daqiio (13 saacadood iyo 27 daqiiqo).

Dhinaca Muslimiinta waddamada Jaamacadda Carabta La Isku yidhaahdo, waxa sanadkan ugu dheer dalka Aljeeraiya, waxaana ugu yar jasiiradaha Comoros, waxaanay kala yihiin sidan, Yemen waxay soomayaan 14 saacadood iyo 17 daqiiqo, Sudaan 14 saacadood iyo 22 Daqiiqo, Mauritania 14 saacadood Iyo 24 daqiio, Saldanada Cumaan 14 saacadood iyo 55 daqiiqo.

Saacadaha Muslimiinta Waddamada Adduunka Ku Kala Dhaqani Soomayaan Kuwa Ugu Dheer Iyo Kuwa Ugu YarDalka Isu-taga Imaaraadka Carabta (UAE) 14 saacadood Iyo 59 daqiiqo, boqortooyada Saudi Arabiya 15 saacadood Iyo Hal Daqiiqo, Boqortooyada Bahrain 15 saacadood iyo 08 daqiiqo, Kuwait 15 saacadood iyo 26 daqiiqo, Egypt 15 saacadood iyo 29 daqiiqo, Palestine 15 saacadood iyo 41 daqiiqo, Libya 15 saacadood iyo 47 daqiiqo, Jordan 15 saacadood iyo 51 daqiiqo, Iraq 15 saacadood iyo 51 daqiiqo , Syria 15 saacadood iyo 52 daqiiqo, Lebanon 15 saacadood iyo 55 daqiiqo, Morocco 15 saacadood iyo 56 daqiiqo, Tunisia 16 saacadood iyo 17 daqiiqo, Algeria 16 saacadood iyo 30 daqiiqo.

Muslimiinta Qaaradda Yurub, waxa ugu soon dheer kuwa aduunka ugu sareeya oo ah Muslimiinta Iceland oo soomaya 21 saacadood iyo 53 daqiiqo , waxa ku xiga Muslimiinta Denmark 21 saacadood iyo 31 daqiiqo, Germany 21 saacadood iyo 13 daqiiqo, Norway 21 saacadood iyo shan daqiiqo, boqortooyada Ingiriiska United Kingdom, 20 Saacadood iyo 6-daqiiqo, Muslimiinta Poland 19 saacadood iyo 38 daqiiqo, Luxembourg waxay soomayaan, 19 saacadood iyo 16 daqiiqo, Muslimiinta Faransiiska, 18 saacadood iyo 53 daqiiqo.

Muslimiinta Ameerika, Eeshiya iyo Meelo kale Mongolia 18 saacadood iyo 30 daqiiqo, Kanada 17 saacadood iyo 48 daqiiqo, Azerbaijan 17 saacadood iyo shan daqiiqo, Australia 11 saacadood iyo 28 daqiiqo, Argentina 11 saacadood iyo 22 daqiiqo, Brazil 12 saacadood iyo 7 daqiiqo, Mauritius 12 saacadood iyo 19 daqiiqo, Turkiga 16 saacadood iyo 43 daqiiqo, Indonesia 13 saacadood iyo 2-daqiiqo, Sri-lank 13 saacadood iyo shan iyo afartan daqiiqo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.