WorldRemitAds

Waxa Salaasadii bishani ahayd 17ka caasimadda Somaliland ee Hargeysa dib ugu soo laabtay xubin ka mid ah siyaasiyiinta ama masuuliyiinta xisbiga ugu weyn mucaaradka Somaliland ee Waddani magaciisana la yidhaahdo Danjire Maxamed Cali Cabdi kaddib markii uu ka soo laabtay socdaal muddo bilo ah qaatay oo uu ku soo maray dalalka debedda.

Maxamed Cabdi, kana mid ah qurbajoogga reer Awdal, ayaa lagu tirin karaa siyaasiyiinta miisaanka ku leh saaxadda siyaadadda Xisbigaba iyo dadweynaha dalka balse aan hadda ka hpr bannaanka ugu soo bixin inuu noqdo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ee mustaqbalka. Waxa uu ka mid ahaa aqoonyahanadii iyo diblomaasiyiinta xukuumaddii milateriga ahayd ee Somalia uga wakiilka ahaa dalal reer Yurub intii aanu wakhtigaas kaddib ka mid noqonin aqoonyahannada u dhashay dalka ee wax ka dhigi jirey mid ka mid ah jaamacadaha reer Galbeedka.

Maxamed Cali Cabdi, kana soo jeeda Gobolka Awdal, Hargeysana si aad ah loogu soo dhaweeyey ayaa markii u soo gaadhay madaarka Caasimadda Hargeysa mar kale ku celiyey inuu xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ugu tartamayo mansabka Madaxweyne ku-xigeenka marka Golaha Dhexe ee xisbigu isugu yimaaddo shirweynihiisa, isagoo sannadkii 2013kii markii ugu horreysay sheegay inuu u taagan yahay musharraxnimada mansabkaasi hase yeeshee dad badani la socdeen ama ku sheegi jireen inuu yahay musharraxa qarsoon ee xisbigaasi mucaaradka ahi u soo bandhigi doono mansabka Madaxweyne ku-xigeenka doorashooyinka soo socda.

SomlegalAds
Danjire Maxamed Cali Cabdi
Danjire Maxamed Cali Cabdi

Haddaba marka la eego hadalka danjire Maxamed Cali mar kale ku caddeeyey mushrraxnimadiisa mansabka Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Waddani, ayaa cid kastaa garan kartaa sida uu hadalkaasi fadhiga uga kiciyey Xisbiga iyo musharraxiin hore ugu dhawaaqay inay u tartami doonaan mansabkaasi dhammaantoodna ka soo jeeda Gobolka Awdal, kuwaas oo isugu jira qaar musharraxnimadoodu tahay uun halagaa sheego oo aan lahayn xoog siyaasadeed iyo xoog dhaqaale toona, iyo qaar ay dhab ka tahay oo sii qorsheystay kursigaasi musharraxnimada Maxamed Cali horteed iyo intii ka dambaysay damiciisa kuwaas oo uu ka mid yahay Guddoomiye ku-xigeenka haatan ee xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed.

Hadalka Danjire Maxamed Cali ku sheegay musharraxnimadiisa Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Waddani ayaa sidoo kale durba kuleyliyey qabowgii siyaasadeed ee Xisbiga Waddani kaddib markii uu nastay dagaalkii dhinaca siyaasadda ee ay isla soo mareen Xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE, waxana iska cad in xisbigaasi geli doono marxalad kale oo ka duwan marxaladii siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE isla soo mareen shirweynihiisii, ama tu la mid ah oo xisbigaasi mucaaradka ah ay ka dhex toosan mucaarad kale oo ka soo horjeesta marka lagu kala baxo doorashada musharraxiinta mansabkaasi, maadaama aanay jirin cid Guddoomiye Cirro kula loolamaysa mansabka Madaxweynaha xisbiga Waddani, lamana yaraysan karo saameynta Danjire Maxamed Cali ku yeelan karo musharraxnimada mansabkaasi, maadaama ay isku shaqo, isku dhaqan, isku dal, isku Xisbi iyo isku siyaasadba yihiin Guddoomiye Cirrana waxa marag ma doon ah inay adkaan doonto sida ay ku kala tegaan labadaasi nin marka la gaadho shirweynaha xisbigaasi mucaaradka ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.