WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 28, 2018 (Saxafi) – Guddoomiyaha Dalada Ururada Shaqaalaha Somaliland (SOLTUO), Maxamed Axmed Cabdi ayaa qoraal ku cabiray Saameynta qabyadda xeerka Shaqaaluhu ku yeeshay nidaamka shaqaalaha dawladda Somaliland.

Waxaana uu ku yidhi sidan. “Hannaankii Shaqaalaha Dawladda loo qori jiray Waxa jirta in Xeerkeena 7/96 ee Shaqaalaha Dawladdu uu qabyo yahay oo aan la diyaarin Xeer-nidaamiyihii Sharaxaayey.

SomlegalAds

Weliba Xeerku ma xusaayo Mas’uuliyadda uu Madaxweynuhu ku leeyahay Shaqo qorista iyo axwaasha shaqaalaha. Mas’uuliyada Madaxweyne ee xeerka shaqaalaha dawladda Lr 7/96 ka maqnayd, waxay suuragelisay in Baylah badani ka dhalatay:-

1. Sida isku bedelka Shaqaale Dhoofay oo mid kale loogu bedelay booskii

2. Qorista shaqaale baaxad leh,

3. Si qorista shaqaale ku meel gaadh ah oo Hay’adaha sanooyin joogaan

4. Isku Jaan-goynti Shaqo iyo Shaqaale oo meesha ka baxday.

5. Degaamaynta Shaqada iyo Shaqaalaha oo aan laysku sar-jarin ( Gobol/Degmooyin aan shaqaale ku filan joogin) iyo Xarunta Hargeysa oo Hay’ad walba Shaqaale buux dhaafiyey.

6. Madax taabasho joogto ah oo kolba in la hubiyo Dhaqdhaqaaqa Shaqaalaha iyo in Shaqadii lagu jiro iyo in kale.

7. Iwm. Dhammaan baylahdaasi oo 27 Sano soo jiitamaysay, waa ta xiligani Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaluhu la baxaadegaayey oo Furdaaminteeda la soo Af-jaray.

Hadaba, si arrintaasi loo toosiyo wixii dambe, Distoorkeena sida ku cad Qodobka 130aad faraqdiisa 5aad, wuxu jidaynaya in lagu sii dhaqmo Xeerarkii hore ee aan diinta wax yeelayn. Xeerarkaasi waa kuwii dalkii aynu kala noqonay Midowgii ee Somalia- sida xeerki No 29 Xeerka Shaqaalaha Dawladda (Dalkii Somalia) oo ay Mas’uuliyada Madaxweynuhu ku caddayd Xeerkaasi, waxaan u cuskanayaa in qaabka shaqada loo qori jiray ay ku falsamayd- si Baylaha aan kor ku soo tilmaamay meesha uga baxaan oo laga raysto.

1. In Madaxweynaha Dalka ay tahay awooddiisa qorida shaqaalaha dawladdu- siiba Shaqaalaha dawladda dhexe, oo uu ku soo saaro Digriito shaqo qoriseed- qofka shaqada loo qorayo

2. Sarkaakiisha Hawsha Shaqaalaynta dawladda u xilsaaranna ay qabtaan waajibaadka lagu xusay xeerka shaqaalaha dawladda.oo soo diyaarinta Digreetada iyo isku dubbaridka hawsha Shaqaalaynta ee qaab ahaan iyo dhokomentiba.

Digriitadu waxay xambaarsanayd:-

1. Magaca qofka shaqaalaha ah.

2. Hay’adda loo qoray.

3. Mudada uu shaqadu u bilaabmayso.

4. Derejada lagu qaatay.

5. Lambarkiisa shaqaalenimo ee dawladeed. 6. Digreetada lagu qoray Lambarkeeda iyo Taariikhda

7. In laga soo diiwaangeliyey Hantidhawrka guud ee Qaranka iyo Lambarka diiwaangelinta.

Iyadoo aanu ogsoonahay in wixii Shaqada u dan ihi ay Shaqaalahana Dan u yihiin,waxaanu soo jeedinaynaa in 1252 Qof ee Shaqadi Banneeyey in Tiradaasi Gobolada Bari loo shaqaaleeyo oo Hay’ad waliba ay saami ka qaadato, si mesha uga baxdo in Wasaarad waliba bedelkiisa diyaarsato oo Xarunta Hargeysa Buuxsanto, Goboladuna ay shaqaalayn u baahdaan oo Baylahdi meesheedi ahaato.

Maxamed Axmed Cabdi Guddoomiyaha SOLTUO

Fiiro Gaar ah:-

1. Digriitada halkani ku xusani, waxay caddaynaysa inaanu Madaxweynuhu ku ekayn inuu saraakiisha sarsare ee Siyaasiyiinta oo keliya digriito ku magacaabo, balse shaqaalaha dawladda dhexena ay maamulkiisa ka mid yihiin oo uu dhaqdhaqaaqa qoridooda, eriddooda, Iwm Gacanta ku hayo oo aan cid kale lagu sii-dayn.

2. Wasiirka Maaliyaddu wuxuu ula saxeexay Madaxweynaha Digriitada shaqo qorista; –

• In shaqaalaha loo hayo mushaharkoodi.

• In Miisaaniyada lagu daray ama lagu dari doono, iyo

• In shaqaalayntuna ay waafaqsan tahay qorshaynta jaan-goynt ee shaqo qorista Iwm.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.