WorldRemitAds

Akhriste waxa laga yaaba in aad la yaabto cinwaanka qormadeenan “Saameynta Tignoolajiyada Casrigu Ku Yeelatay Nolosha Aadamiga”, oo aad su’aalo badan iska waydiiso, waddo ama jid Smart ah, waxa looga dan leeyahay iyo macnaha ku jira, hasa yeeshee aad si wacan u fahmi karto haddii aad dhamaysato mawduucan iyo sheekada ku saabsan jidkan.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Sida warbaahinta dunidu inteeda badani baahisay, waddo ku taala dalka Ingiriiska ayaa noqonaysa tan ugu casrisan dunida, uguna tignoolajiyada saraysa, waxaanay waddadani leedahay adeegyo kala duwan oo dadka iyo gaadiidka maraya labadaba wax tar u leh, halis iyo dhibaatooyinka ku soo foolka lehna uga digaya.

Degaanka Mitcham ee koonfurta caasimadda dalka Ingiriiska ee London oo ah, meesha jidkan Smart-ka ah laga hir geliyay, ayaa sida wararku sheegayaan wuxuu degaankaasi noqon doonaa goobtii ugu horaysay dunida ee jid sidan u casri ah oo tignoolaji ahaan sareeya heli doona aduunka oo dhan marka la isku daro.

Haddaba waa maxay waxyaabaha jidkan mid kasmo sareeya oo Smart ah ka dhigay, muxuuse dheer yahay waddooyinka kale ee dhigiisa ah ee aduunka iyo caasimadaha dunida ku yaala, sida wararka laga soo wariyay jidkaasi sheegayaan.

Wuxuu leeyahay adeegyo casri ah, oo dadka maraya halis kasta oo ku soo fool leh uga digaya, kaas oo digniinta ugu saraysa ee aadamigu isla yaqaano siinaya, kaas oo ah midabka casaan ah oo dhinac walba kaga baxaya qofka halistu ku soo foolka leedahay.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Dadka sida gaarka ah uu jidkani digniinaha u siinayo ayaa ah dadka isticmaalka telefoonada Smart-ka ah sida xooga ah u isticmaala, kuwaas oo mararka qaarkood waddooyinka iska soo gala iyagoo aan dhaadanayn ama caalam kale ku jira.

Waxa kale oo jidkani uu caawinaya dadka isticmaala baaskiiladaha ee suura galka ay tahay in halis ama dhibaato ka soo waajahdo jihada ay u socdaan, kuwaas oo iyagana qaab la jaan qaadaysa digniinta ugu haboon ee halis lagaga badbaadin karo siinaya.

Jidkan ayaa sida la sheegay is balaadhinaya mar kasta oo dadka iyo gaadiidka marayaa kordhaan, waxaanu awood u leeyahay inuu balaadho oo faalal u noqdo, halka taa badalkeeda ay jidadka kale ee dunidu cidhiidhiga ka noqdaan marka ceeryoonku ku bato.

Inta badan qaybaha sida wayn tignoolajigooda loo casriyeeyay ee jidkan ayaa ah calaamadaha Zebra Crossing Lines-ka loo yaqaano ee dadku ka talaabaan, kuwaas oo sida xafiiska amniga dadweynaha u qaabilsan dalka Ingiriisku sheegay in maalin walba shilalka ugu badani ka dhacaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.