WorldRemitAds
Boorama, Somaliland, December 18, 2015 (Saxafi) – Magaaladda Boorama iyo qaybo ka mid ah deegaanada gobolada Awdal iyo Selel ayaa waxa toddobaadkan oo dhan laga hadal hayey is beddello ama isku shaan dhayn lagu sameeyay hawlwadeenada ciidamada kala duwan iyo qaar ka mid ah wasaaradaha ka hawl-gala labadaas gobol iyo meelo kaleba.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Saxafi ee gobolada galbeedka Somaliland, Maxamed Cumar Sheekh, is bedaladan ayaa meesha lagaga saaray masuulyiin iyo saraakiil ciidan oo ka soo jeeda Gobolka Awdal iyo Selel, waxaana halkoodii lagu buuxiyey kuwa ka soo jeeda gobolada dhexe ee Somaliland.
BooramaGuuxa ka dhashay isku shaandhaymahan ayaa soo baxay wiig ka dib markii reer Awdal waayeen mid ka mid ah laba taliye qaybeed Booliska ah oo xil ka hayey booliska gobolka Awdal iyo Sool, kana soo wada jeeda gobolka Awdal, kuwaasoo la bedelay midkoodna meesha ka baxay, halka labadii maalmood ee u dambaysayna la hadal hayo isku shaandhayn kale oo meesha ka saartay taliyihii ciidanka badda ee xeebaha galbeedka, magaciisana la yidhaa Harruun Siciid Cali, laguna beddelay taliye ka soo jeeda gobolada dhexe ee dalka.
Marka laga yimaadda labadaa taliye ciidan, isla markaana lagu daro sida badi laamaha wasaaradda Maaliyadda ee magaalooyinka Saylac iyo Lawyacaddo aanay uga muuqan dadweynaha ka soo jeeda goboladaasi, ayaad dhinaca kale waxaad mooddaa in arrimahani soo cusboonaysiiyeen dareenno caloolxumo xambaarsan oo mar kale dadweynaha lagu xusuusinayo in saami qaybsigii ay salaadiintu u gudbiyeen xukuumaddu haatan quus yahay, arrintuna isu bedeshay saami dhimis xilal kale lagaga qaadayo dadweynaha gobolada Awdal iyo Selel.
Qaar ka mid ah odaydhaqameedyada gobolka oo ku sugan magaalada Boorama, kana cudurdaartay in la magacaaboa, ayaa wariyaha Saxafi u sheegay inay arrimahani dhawaan ka hadli doonaan warbaahintana ka sheegi doonaan sida wax ku socdaan balse haatan aanay ka hadlaynin.
Nuqul ka mid ah Qoraallo suuqa lagu baahiyey isla markaana aan la ogeyn xaqiiqdiisa ayaa lagu xusay wakiilada wasaaradda maaliyadda iyo talisyada saraakiisha ciidan ee kasoo jeeda gobolada dhexe ama beelaha dhexe ee ka hawlgala Saylac iyo Lawyacaddo ayaa sidoo kalle muujiyay in aanay ka muuqan goboladaasi badi.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.