WorldRemitAds
Macluumaad ahaan Dayax gacmeedyada iyo cirbixiyeenadu waxa ay ka mid yihiin, kuwa dadka badankoodu ugu aqoonta daran yihiin, mana dhacdo in aynu inta badan is waydiino waxyaabaha ay cirbixiyeenadu sii qaataan ee ay safarkooda hawada sare marka ay u baxayaan.

Bastoolada Cirbixiyeenadu Hawada u qaataanIn kasta oo ay duulimaadyada hawada sare iyo dayax gacmeedyadu muddo dheer sir ahaayeen, haddana meelo badan oo dunida ah, dadka ku nooli aqoon ahaan maba gaadhsiisna heer ay ku fahmi karaan.
Laakiin haddii aynu jawaabta su’aashan u soo noqono, tan iyo markii qofkii ugu horeeyay aadamigu uu hawada sare u safray, dayax gacmeedkii ugu horeeyayna kaga baxay gibilka sare ee oogada dhulka, hubku waxa uu ahaa mid si joogto ah ay cirbixyeenadu ugu qaataan safarkooda hawada sare.
Cirbixiyeenkii Ruushka ee ugu Horeeyay Yuri Gagarin, ayaa ahaa qofkii koowaad ee tijaabiyay ama aadamiga u balaaleeyay in hawada sare loo safri karo, waxaanu ninkaasi sanadkii 1961 markii taariikhdu ahayd uu ku safray dayax gacmeed vostoc lagu magacaabi jiray.
Waxa uu wakhtigaas hore ka sii qaatay oo uu ku hubaysnaa baastoolada TP-82, taas oo miisaan ahaan hal kiiloo iyo lix boqol oo giraam ah, dheerkeeduna hal dhudhun ama sodon cm, yahay, waa baastoolad labo dhuumood leh oo rasaas badani ka dhacdo.
Sababta ay cirbixyeenadu u qaataan hubka ayaa ah mid jawaab ahaan fudud, waayo? Marka ay hawada sare ka soo noqdaan, waxa qalabka Capsule-ka loo yaqaan ee ay ku soo degaan, mararka qaarkood ku dhaca dhul lama degaan ah, meelo budhcad iyo tuug wax dhacdaa ku sugan yihiin iyo meelo xayawaano dad qaad ahi joogaan.
Sida awgeed cirbixiyeenadu waxa ay diyaar u yihiin halis kasta oo la soo derista inay naftooda difaaci karaan, wax kasta oo ay ku badbaadin karaana ay sameeyaan inta kooxaha gurmadkooda qaabilsan ay samata bixinayaan.
Tusaale ahaan sida ku dhacday cirbixiyeenkii Boris Evsaavic, kaas oo sanadkii 1965-kii ku degay lamo degaanka fog ee gobolka Ural ee dalka Ruushka, wakhti aad cimiladu u xun tahay, waxaana badbaadintiisu qaadatay muddo dhawr maalmood ah.
Sida uu cirbixiyeenkaasi buugiisa xusuus qorka ku sharaxay muddo sadex cisho ah ayuu Yeyda iyo Madax Kutida (Bear)ka iska difaacayay, lana tacaalayay nolosha iyo siduu uga badbaadi lahaa duruufahaas qalafsan.
Isku soo wada duubo sababta ay cirbixiyeenadu hubka ugu qaataan marka ay dayax gacmeedyada ugu safrayaan hawadda sare ayaa ah, mid badbaadada noloshooda oo kaliya khusaysa, mana jirto cid kale iyo noolayaal kale oo ay iska difaacayaan inta ay hawada sare ku maqan yihiin.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.