WorldRemitAds

Xidhiidhka kubada cagta ee dalka Maraykanka ayaa qaatay go’aamo cusub oo ku lid ah, kuwa xidhiidhka caalamiga ah ee Kubada Cagta (FIFA), waxaanu xidhiidhka kubada cagta Maraykanku soo saaray, go’aamo ka mamnuucaya naadiyada dugsiyada dalkaas in kubada ay madaxa ku lalin karaan ama u isticmaali karaan ciyaarteeda.

Xidhiidhka kubada cagta Maraykanka ayaa go’aankan kubada in madaxa ay ku ciyaaraan kaga mamnuucay, naadiyada dugsiyada hoose iyo dhexe gaar ahaan ciyaar yahanada da’doodu ka yar tahay sadex iyo toban jir.

Sida lagu sheegay sharcigan cusub ee mamnuucaya in da’ yartu madaxa ku qaban karaan ama ku lalin karaan kubada, ayaa ah mid aad loo adkeeyay oo dhakhtada xanuunada maskaxda iyo madaxa waajib kaga dhigaya in ciyaar kasta oo carruurta sadex iyo toban jirka ka yari ciyaarayaan ay labo dhakhtar goob joog ka ahaan doonaan.

SomlegalAds

Xidhiidhka kubada cagta Maraykanka ayaa ujeedada talaabadan loo qaaday, ku sheegay mid ka dhalatay, dhaawacyada madaxa ka soo gaadha ciyaar yahanada oo aad u batay iyo xanuunada dhaawacyadaasi sababaan oo noqday kuwo aan dawo iyo hab lagu baanto aan midna loo hayn.

4Waxa sida sharcigan cusubi dhigayo, gabi ahaanba ciyaar yahanada sadex iyo toban jirka ka yar mamnuuc ka ah, in kubada ay madaxa ku qabtaan ama ku hirdiyaan, waxaana kaliya xaalado kooban loo ogolaan doona, marka ay shan iyo toban jir gaadho da’doodu, in kasta oo taas lafteeda aanay ahayn mid si buuxda loogu wada fasaxayo.

Sida qaybaha sharcigani dhigayo, waxa garoon kasta oo ciyaar kubada cagta ahi ka socoto, goob joog ka ahaan doona, labo dhakhtar oo la socon doona fulinta iyo ku dhaqanka sharcigan, waxa kale oo uu sharcigaasi dhigayaa in cidii fulin wayda laga joojiyo ciyaarta kubada cagta, lana ganaaxo koox ahaan.

Guud ahaana waxa xidhiidhka kubada cagta Maraykanku dhamaan ciyaar yahanada dalkooda kula taliyeen inay aad isaga ilaaliyaan kubada in madaxa ay ku hirdiyaan ama ku qabsadaan, taas oo sida la sheegay ah, habka kaliya ee ay kaga badbaadi karayaan dhaawacyo noloshooda inta ka hadhay aanay ka bogsan doonin oo madaxa ka soo gaadha.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.