WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 7, 2018 (Saxafi) – Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Xasan Maxamed Gaafaadhi, ayaa sheegay in suuqii xoolaha Somaliland ee dalka Boqortooyada Sucuudiga in uu bilaabmay, isla markaana xoolihii mooshinka Xajka iyo ciidal fidrigu ay hadda ku xeraysan yihiin qaybtii ugu horraysay Maxjar ka mid ah Maxjarada Berbera, isla markaana Maxjarada kalena ay xooluhu soo gaadhayaan oo halkaa maalmo ku xeraysnaan doonaan ka dibna ay u dhoofayaan dalka Sucuudiga.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

SomlegalAds

Wasiirku waxa kale oo uu intaa ku daray in dawladdaha Somaliland iyo Sucuudiga uu wada hadal uga socdo xoolaha Somaliland in ay si toos ah u socdaan oo aan suuga xoolaha Somaliland ee dalka Sucuudigu aanu ku ekaan xilliga mooshinka Xajka oo keliya.

Waxa kale oo uu wasiirku ka hadlay Lo’da oo Somaliland uga dhoofta dalka Cummaan oo uu tilmaamay in ay si caadi ah ugu dhoofto iyo suuqa Imaaraadka oo xoolaha Somaliland u dhoofi doonaan, qorshaha ay ugu talo galeen in loogu iib geeyo oo ay wadaan, iyo qiimayn guud oo ay wasaaraddu ka waddo deegaanadii duufaantu ku dhufatay oo xoolo badani ay ku le’deen tira koobkooda iyo inta qoys ee ku caydhawday, ka dibna laga hawl geli doono sidii dadkaa wax loogu qaan lahaa.

Wasiir Gaafaadhi, waxa kale oo uu iftiimiyay suuq geyn cusub oo ay doonayaan in loo furo ganacsiga xoolaha Somaliland oo dhawaan bilaabmi doonta, waxaanu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay siiyay wargayska Dawan.

Wasiirka oo ugu horrayn la waydiiyay in Sucuudigu xayiraaddii ka qaaday dhoofka Xoolaha Somaliland oo suuqaasi dib u furmay iyo in kale, ayaa ku jawaabay “Horta xoolo dhoofay ma jiraan, laakiin xoolihii ugu horreeyay ayaa iminka ku jira Maxjar ka mid ah Maxkarada Berbera oo loo diyaarinayo in ay sucuudiga u dhoofaan, xoolaha iminka xeraysanina waa shan kun oo neef oo Adhi ah, Maxjarada kalena xoolo ayaa soo gaadhaya oo lagu soo xeraynayaa. xoolaha imika dhoofayaana waa xoolihii mooshinka Xajka oo la soo dedejiyay iyo ciidal Fidriga. rejo fiicanna waanu ka qabnaa in xoolaha Somaliland suuqa Sucuudiga u sii dhoofaan oo dawladdaha Somaliland iyo Sucuudiga wada hadal ayaa noo socda, waxaanan ku rejo waynnahay in dhoofka xoolaha Somaliland sidaa ugu socdaan Sucuudiga, laakiin imika waxa furan ee dhoofayaa waa xoolihii mooshinka Xajka.”

Wasiirka oo la waydiiyay sababta dib u dhaca ku keentay ogolaanshihii dalka Imaaraadku ku ogolaaday in xoolaha Somaliland ay u dhoofaan dalkaas iyo in uu jiro suuqyo kale oo ay Xoolaha Somaliland u dhoofaan, ayaa ku jawaabay “Marka ugu horraysa suuqa Imaaraadku waa suuq kooban oo ka kooban ka Sacuudiga, midda kale Imaaraadku wuu fogyahay oo ganacsatadu haddii ay helayaan suuga Sucuudiga oo uga dhaw, ugana weyn ka Imaaraadka aad u danayn maayaan.

midda kale waxaanu wadnaa qorshihii suuga Imaaraadka oo kooban loogu dejin lahaa hannaan ganacsi oo xoolo loogu dhoofiyo oo illaaliya xoolaha ka ganacsigooda si aan xoolo badan oo la iska garab raray aan loo geynin oo aanay xooluhu ugu suuq waayin, ganacsataduna ugu qasaarin markaa waxaanu wadnaa in aanu samayno qorshe ganacsi oo ganacsatadana lagagag badbaadinayo in qasaare ka soo gaadho.

Suuqa Imaaraadka haddii xooluhu isku bataan, waxa uu suuqaasi noqonayaa mid ka kooban ka Sacuudiga mara. Xaddiga xoolaha la geynayana waa la isla eegi doono. Laakiin wax kale oo dhibaato ahi kama taagna, dhawaanna waa la bilaabi doonaa. Waxa, kale oo ay xoolo nool gaar ahaan Lo’du u dhooftaa dalka Cummaan taasina si wanaagsan ayay u socotaa.”

Wasiir Xasan oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in uu jiro hannaan ka duwan qaabkii hore ee xoolaha looga ganacsan jiray marka dibedda loo dhoofinayo oo ay wadaan ayaa yidhi “Illaa hadda baayac mushtariga neefka ee aynu naqaanaa waa neefkaa dhoofa, Neefkii noolaa ee aynu iib geynaynayna dhibaatooyin badan ayuu muddooynkii dambe la kulmay, saylad aynaan wax go’aan ah ku lahayn oo intay waxay doonto iyadu tidhaahdo oo xooleheenu ay ku xannibmaan, ayaa maanta inna haysata, waddan la ictiraafsan yahay oo baanan haystana ma nihin oo macaamilka iyo ganacsiga dawladaha kale si caadiya ugu furan yahay, dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanna iska celin kara wixii dhibaato ah ee cid kale ay kula kacdo, sababtoo ah shuruucdii ganacsiga ee caalamka oo dhan ayaan saamayn inagu lahayn.

Mana sii jirayso neefkan nool ee mar walba la leeyahay xannuun baa ku soo baxay oo isagoo caafimaad qaba intuu kaa dhoofo ayuu badda ku sii xannuunsan karaa, markaa in wax kale looga guuro meesha ayay ku jirtaa oo wershado loo guuro. imikana Burco waxaa ka jirta wershad dhammaystirantay oo xoolaha qalaysa oo Malaysiya u dhoofinaysa Hilibka, waxaanay shaqadeedu bilaabmaysaa bisha dambe ee sanadkan, waxaanay ku bilaabmaysaa marka hore in ay hilib u dhoofiso Malaysiya, marka dambena waxay u gudbi doontaa Haragga iyo xoolo qalan, waxaanay qalaysaa xoolaha oo dhan Geel, Lo iyo Adhiba. Qorshaha xukuumadduna wuxuu yahay in daryeelka iyo ka ganacsiga xoolahaba la casriyeeyo.”

Wasiirka oo la waydiiyay in ay jirto tiro sugan iyo xog dhammaystiran oo ay ka wasaarad ahaan ka sameeyeen xoolaha ku baxay duufaantii Sagar ee galbeedka Somaliland ku dhufatay, ayaa yidhi “Duufaantu markii ay dhacday waxaa deegaanadaas ku sugnaa 13 kooxood oo caafimaadinta xoolaha ah oo markay shaqada caafimaadinta xoolaha maalin wadeen ay kula kulantay oo ay ugu dhacday, markii dambena halkii ayay ka sii wadeen intii duufaanta ka badbaaday in ay caafimaadkooda ka shaqeeyaan. waxaannu haynaa xogta intii ugu badnayd wax yar ayaa noo dhiman, waxaanan dhawaan laamaha kale ee dawladda iyo cidda ay qusayso aanu la wadaagi doonaa tirada xoolaha ku baxay iyo inta qoys ee ku caydhawday, ka dibna waxa loo gudbi doonaa sidii dadkaa wax loogu qaban lahaa.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.