WorldRemitAds
Jariirada loogu akhriska badan yahay dalka Holland ee afka Dutch-ka ku soo baxda “Telegraph ayaa sheegtay, in booliska caasimadda dalkaas ee Amsterdam ay qabteen, ka dibna ganaax lacageed oo dhan kun lacagta Yuurada ah u jareen wiil saddex jir ah oo ku kaatshay waddo ka mid ah jidadka magaalaas.

h5 (1)Hooyada dhashay ilmahan yar oo sababo iyada u gaar ah awgood, diiday in magaceeda la sheego ayaa iyadoo cadhaysan ganaaxa lagu riday wiilkeeda yar ku tilmaantay mid arxan daro iyo caqli xumo ah, waxa kale oo ay sheegtay in wiilkaas yari yahay sadex jir, iyadoo wadana ay kaadi qabatay oo uu xajisan kari waayay ka dibna uu waddada badhtankeeda ku kaatshay, xiligaas oo sida ay sheegtay uu arkay askari boolis ah oo goobta marayay kaas oo watay dhug dhugley.
Jariirada ayaa intaa ku dartay in dhacdadan ay aad uga xumaadeen qoyskaas iyo dad badan oo la jaar ah, waxaanay jariiradu soo qaadatay halku dheg uu yidhi mid ka mid dadka qoyskaas la dariska ah oo isagoo kor u dhawaaqaya yidhi, “Talaabadani may ahayn mid wanaagsan oo waa arrin laga xumaado, hasa yeeshee askarigaas umay banaanayn wax kale oo uu sameeyo, waayo? Ma jirto hab kale oo uu qasnada dawlada lacag ku soo geliyo.” Ayuu yidhi ninkaasi.
Wargeyska ayaa qoraalka warka wiilkan yar ee lacagta adag lagu ganaaxay ku soo gaba gabaysay, tani waa mid looga baahan yahay Boolisku in ay naftooda iyo dadka ehelkooda ahna mariyaan, hasa yeeshee maaha mid kaliya ku kooban oo qudha dadka kale ee shacbiga ah, taas oo ah ayay tidhi jariiradu mid booliska dalkaasi caadaystay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.