WorldRemitAds

Djibouti, October 30, 2015 (Saxafi) – Safiirka cusub ee ay dowladda Maraykanku u soo magacowday dalka Somalia Amb. David Kaeuper ayaa booqday saldhiga militeriga Maraykanku ku leeyahay dalka Djibouti.

151015-F-WR377-016Amb. David Kaeuper oo hore uga fadhiistay shaqada safiirnimo isagoo ahaa safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Congo, ayaa haatan ah madaxa diblomaasi ee u qaabilsan dowlada Maraykanka arrimaha Somalia. “Waxa ay shaqadaydu tahay sidii aan u caawin lahaa islamarkaana kor ugu qaadi lahaa iskaashiga Maraykanka ee arrimaha amaanka ee ku xeeran gobolkan iyo deeganaanshaha Geeska Afrika.” Sidaana waxa yidhi Mr. Kaeuper.

Waxa uu safiirku la kulmay taliyaha guud ee saldhiga militeriga Maraykanku ku leeyahay qaaradda Afrika oo magaciisa marka la soo gaabiyo la yidhaahdo CJTF-HOA, Maj. Gen. Mark Sammer, waxaanu Sammer oo ka hadlaya ujeedada saldhigan CJTF-HOA oo hawshiisa iyo kaalinta uu ka qaadanayo amaanka iyo deegnashaha Geeska Afrika yidhi “Waxa aanu dhisaynaa xarumihii caawin lahaa walaaleheena Afrika sidii loo heli lahaa xal Afrikaan ah.”

SomlegalAds

Xidhiidhada safaaradaha Maraykanku ku leeyihiin Geeska Afrika iyo saldhiga CJTF-HOA ayaa la wadaaga wasaaradda arrimaha dibada sidii loo caawin lahaa dalalka xidhiidhka dhow ay la leeyihin. “Hawsha ugu muhiimsan nuxurkeedu waa kaalinta ay ka qaadan doonto horumarinta nidaamka dimoqraadiga ah, islamarkaana aynu u joogno sidii aan u dhisi lahayn degmooyin kana caawin lahayn qaab dhismeedka dowladnimo iyo hirgelinta jawi siyaasadeed oo ay hadheeyeen kooxo xagjir ah iyo dagaalo sokeeye oo aan la taageeri karin” sidaana waxa yidhi safiirka Maraykanka u fadhiya Somalia Mr. Kaeuper.

151015-F-WR377-009Taliyaha guud ee saldhiga CJTF-HOA ayaa isna yidhi “Waa in ay jirtaa baahi la gaadhi karo iyo guusheeda oo cuntami karta, maaha oo keliya inaad soo bandhigtid goobta iyo  xarunta ururo oo aad tidhaahdo waxa aad u baahan tahay waxyaabahaas isla markaana ay dhacdo.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.