WorldRemitAds

 Aynu soo qaadano arrimaha carqalada ay raggu kala kulmaan fahamkooda ee haweenku ku dhaqmaan.

  1. Haweenku waxa ay raga oo dhan ku tilmaamaan kuwo aan daacad ahayn oo isku dabeecado iyo dhaqano dhow, waxa ay sheegaan in ragu maanka ku wada hayaan ama ku wada fikiraan, tacadiga, ixtiraam la’aanta iyo khiyaamaynta dumarka, laakiin waxa ay haddana haweenku sii wadaan inay kalgacayl iyo xidhiidh wanaagsan la yeeshaan raga, taas oo keentay in halxidhaalaha ragu ka jawaabi kari waayo.
  2. Arrinta labaad ee ay adkaanayso in jawaab waafi ah loo helo ayaa ah, waanada haweenka waayeelka ahi siyaan gashaantimaha marka la guursado, oo inta badan ay dayro ka muujiyaan raga guursaday marka ay talada siinayaan hablaha gashaantimaha ah ee ka yar yar ee calaf doonka ah.
  3. Waxa kale oo aanay ragu fahmin oo layaab ku noqda sababta dumarku mar kasta isku qurxiyaan xitaa haddii ay qurux badan tahay gabadhu oo aanay inay is qurxiso ka daalin, taas oo ragu waydiimo badan iska waydiiyaan, ka dibna ay jawaab shaafida u waayaan. Waxaana marar badan dhacda in ragu is qurxinta gabadhu ku kacdo u arkaan mid fool xumo ku soo kordhisay nafteeda, laakiin haweenku quruxda uma doortaan sida dadka kale u arkaan, balse waxa ay quruxda u yaqaanaan sida ay iyadu jeceshahay.
  4. Sababta gabadhu u dabeecada wanaagsan tahay marka ay dadka kale dhexdooda joogto marka ay lamaane ahaan ay isku kaliyaystaana ay u tahay qof qalafsan oo xidh xidhan oo damqata, wax kastana si gurac ah uga jawaabta, halka la dhaqanka dadka kale ay ku fur furan tahay, si caqli gal ahna uga qayb qaadato.
  1. Ta shanaad ragu Ma Fahmaan Sababta Haweenku wanaaga ninka qaba ama ragooda, taas oo sababta aanay ragu garan, waxa sida warbixino badan oo laga ururiyay lamaanuhu xusayaan, jira xogo laga ogaaday haweenka oo ah sida ay u qariyaan waxyaabaha uu ninku ku wanaagsan yahay, halka ay iyagu ka jeclaystaan in wixii wanaagsan ee ay qabtaan looga mahad naqo si deg deg ah, ugama mahad naqaan.
  2. Dumarku waxa ay had iyo jeer dalbadaan sinaan dhinaca jinsiga ah iyo inay noqdaan raga iyo dumarku kuwo siman, laakiin marka ay taagan tahay arrimaha adadag iyo waxyaabaha hawsha culus leh waxa ay deg deg u miciinsadaan haween-nimada waxaanay sheegaan inay yihiin iyagu dumar oo aanay u qalmin inay hawlahan oo kale qabtaan.
  3. Gabadhu waxa ay ehelkeeda iyo dadka kale hortooda iska dhigtaa qof iska caadiya, halka mararka qaarkoodna ay ba sidii dhalaanka iyo qof tamar daran isku ekaysiiso, laakiin waxay marka ay gurigeeda iyo ninkeeda hortiisa joogto noqotaa qof awood badan oo sida ay doonto uun arrimuhu inay ku socdaan falawgeeda ka shaqaysa.
  4. Haweenaydu ma bixiso lacagta bas raaca, tagsi raaca iyo xitaa cunto haddii ay meel ka dalbadaan, marka uu ninkeedu la socdo, hasa yeeshee marka ay cid kale wada socdaan waxa ay dedejisaa wixii karaankeed ah, had iyo jeer waxa ay xaaladahani dhacaan xitaa iyadoo haysa lacag badan oo ay arrimahan ku debari karto.
  5. Xaalada sagaalaad ee ka yaabisa raga ee la xidhiidha mukurka dumarka ayaa ah sababta ay haweenku u jecel yihiin amaanta iyo sida aanay uga daalin marnaba, sida dad badani tilmaamayaan amaanta dumarka ee ragu u jeedinayaan waa mid xaqiijinaysa in gabadhu aqoonsan tahay dumar nimadeeda, oo ay xiliyada la amaanayo ka taanaasushay doonistii sinaanta, sababtoo ah qofka sinaan-shaha, doonayaa wuxuu jeclaystaa in dhaliilihiisa la sheego, laakiin sida haddana ay khabiirada arrimaha lamaanuhu sheegayaan tani waa mid iska rabaani ah oo aanay gabadhu samayn karin inay wax ka badalan ku dhaqanto.

Akhriste wargeyska Saxafi waxa uu cadaynayaa, in sagaalkan arrimood aanay ahayn wax jinsi ama haweenka si gaar ah loola jeedo laakiin ay yihiin xogo iyo baadhitaano laga diyaariyay dhaqamada haweenka intooda badan, mana wada noqon karaan kuwo ay ku wada sifoobi karaan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.