WorldRemitAds

Sakaatul Fidriga waxaa looga jeedaa Sakada ama quudka la bixiyo maalmaha ugu dambeeya ee bishan barakaysan ee Ramadaan ama maalinta koowaad ee bisha xigta Ramadaanta ee Shawaal, waxaa kaloo lagu macneeyaa sadaqada Fidriga labadaa magac ama tilmaamood ee aan sheegnayna waxay sal ku leeyihiin sharciga oo sida u qeexay.

Waxaa haddaba sidaa loogu magacaabay iyadoo ay tahay quud si sadaqo ah loo bixinayo, tan oo looga jeedo in ajar iyo xasanaad lagaga helo xaga Rabbi iyo dhamaystir ku jeeda bishan barakaysan ee Ramadaan.

SomlegalAds

Sidoo kale waxa ay in badan oo culimada ka mid ahi sheegaan in Sako loogu magaacaabay maadaama uu yahay falkani mid lagaga doonayo xaga rabi dahirnaan. Sida qoran wax wayn bay ka tari doontaa bixiyaha sadaqadaa hadii uu waqtigeedii ku bixiyo islamarkaana uu siiyo cidii xaqa u lahayd ee mudnayd.

 

Waqtigii la Jideeyay Sakada-fidriga

Sakada-fidriga waxaa la jideeyay sanadkii labaad ee hijriyada-wakhtigii Ramadaanta, sida qoran Sakada waa arin ay si baahsan oo xeel dheer uga Warantay shareecadu gaar ahaan marka laga hadlayo dhanka quraanka iyo xadiiska labadaba. Akhri qowlka Ilaahay . “Waxaa aflaxay kii Sako la baxay” 9:Al-shamsi, Cumar ibnu CabdilcaSiiS wakhtigii uu madaxa Muslimiinta ahaa waxa uu akhriyi jiray aayadan kadibna waxa uu fari jiray dadka si ay Sakada ula baxaan. Cikrima laga sheegay inuu yidhi markii uu ka waramayay aayada “Waxaa aflaxay kii Sako la baxay” waa qofka la baxa Sakada-fidriga ka hor inta aan la tukan salaada ciida. sidoo kalaa in badan oo salafkii hore ahna ay yidhaahdeen.

Waxaa saxaabadu sheegeen in Suubanoow Nabigeenii uu Waajibiyay sakada-fidriga, sidan bayna Muslimiintu isku raaceen kuwii hore iyo kuwii dambaba. Reer Madiinana waxay ahaayeen kuwa aan aragba Sako ka fadli badan tan fidriga. Ibnu mundur iyo qaar kale oo raga cilmiga ah ayaa iyaguna isku raacay oo qalinka ku duugay waajib ahaanshaha Sakada-fidriga.  Waxaynu hadaba odhan karaa Intaa ku filan Cadaynta halka ay sharciga ka taagantahay Sakada-fidrigu, sida aan horayba uga hadalay tani waxa ay qayb ka tahay, doonista uu sharcigu doonayo in laga dahiro nafta dhaqanno badan oo aan fiicnayn sida bakhaylnimada, iyo dhamaan akhlaaqda aan hagaagsanayn, iyo dhamaystirka dahirnaanta soonka tan oo looga jeedo in lagu kabo woxogaaga sadaqada ah ee uu adoonku Illaahay u dhiibtay, wixii dhacdhac ahaa ee ka fakaday intuu uu gudanayay acmaashii Ramadaanta.  Tan ugu muhiimsan ayaa iyana ah in maalintaa ciidda laga furto dadka masaakiinta ah baryada iyo halkii ay ku wareegi lahaayeen aqalada dadka, oo haddii la siiyo maalintaa woxoogaaga yar ee sadaqada ah waxay ka deeqaysaa baryada maalintaa ciidda ah ee dadka muslimka ahi oo dhan ay faraxsanyihiin.

Ibnu Cabaas waxa laga weriyay in uu Nebigu N.N.K.H.A “u waajibiyay sakada-fidriga, daahirinta qofka sooman iyo quudinta Masaakiinta” waxaa weriyay Abuu daa’uud.

  • Waxaa kaloo si toos ah uga muuqanaya waajib yeelida sakada-fidriga
  • Muujinta ku mahadinta Illaahay dhamaan galadaha uu ku siiyay ee ah; in aad ku dhamaysatay bishii ramadaan iyo gudashadeedii sidii uu Illaahay doonayay, iyo weliba sida uu Illaahay kuugu fududeeyay in aad ku dhaqaaqdo falalka hagaagsan ee uu isagu raaliga ka yahay.
  • In si dhan loo qaybsado faraxa iyo jacaylka walaaltinimo ee bulshada dhexdeeda.

­Yey Ku Waajibtaa Sakada-Fidrigu

Weedh kale oo isla Isaga laga soo xigtay ayuu ku yidhi “Raashinkayagu waaga waxa uu ahaa Galay, Sabiib, Caano la fadhiisayay, iyo Timir”

Sida qoran waxaa ugu fadli badan in lagu gaabsado inta nooc ee raashin ah ee lagu sheegay axaadiistii Nebiga N.N.K.H.A, waxaa sidoo kale qoran iyana in la bixin karo waxa ugu fiican ee markaa anfacaya dadka masaakiinta ah ee ujeedaduba tahay in maalintaa laga deeqo baryada badan iyo ku wareega xaafadaha. akhri qoowka Illaahay “Ma gaaraysaan qiimaha samafalka ilaa aad bixisaan waxa aad ugu jeceshihiin”2:91.

Jamaacad kale oo culimada ah ayaa iyaguna qaba in lagu bixin karo Sakada-fidriga ee maalintaa wax walba oo u samaysan qaabka midhaha, sida galayda, timirta, Sabiibka.iwm sidana waa tan uu qabo ibnu taymiyah..waxaanuu soo qaatay weedhe Eebbe ee odhanaysa “tan sida badan aad ku quudisaan reerihiina”..wuxuu uga jeedaa ku bixiya Sakada-fidriga waxa sida badan aad quudataan ama aad ku quudisaan reerihiina.

Halkan waxaa laga cararayaa in ay noqdaan waxa ay dadku u bixinayaan sadaqada wax liita iyo dhanka kale in dadka qaar wax ayna awoodin madaxa laga saaro oo markaa ay ku cuslaato.waana sida in badan oo culimada ah ayqabaan, waana kan ugu dhow xaga sharciga marka loo eego.

Ibnu qayim waxa uu yidhi markii u ka hadlayay arintan “tani waa sida saxa ah, waana sida aan la odhan waxaan iyadaa ahayn, maadaama ujeedada ugu wayni ay tahay in masaakiinta la iska hortaago wareega iyo baryada xaafadaha maalintaa ciida iyo weliba in loo yabooho in ay cuni doonaan ama ay heli doonaan maalintaa sida badan waxa ay dadka magaaladaasu quutaan. waana halka uu Nebigu   N.N.K.H.A yidhi “Ka deeqa maalintaa wareega xaafadaha iyo baryada masaakiinta”

Sidaasi hadaba waa sidii ay u arkeen culimadu Naxariistii Janno allaha siiyee laakiin waxaan shaki ku jirin in hadii la helo iyo hadii la waayaba ay tahay maalintaa in la bixiyo waxa ugu mudan ee ay quutaan dadka Muslimiinta ah ee degan magaalada.

Rag badan oo culima ah ayaa iyagu ku adkaystay in ay bixinayaan un oo keliya tii ay ku arkeen axaadiista Nebiga N.N.K.H.A, sida laga soo xigtay abuu saciid RC in uu yidhi anigu waxan u bixinayaa sidii aan u bixin jiray waqtigii Nebiga..Waxa uu ugal jeedaa cunto uun quud ah. Markii uu sidan odhanayay Saciid waxa uu arkay baa la yidhaahdaa dad bixinaya wax kale.

­

Imisaa la bixinayaa Sakada Fidriga

Waxay Sugtay axaadiista Nebigu N.N.K.H.A in “Nebigu waajibiyay Sakada fidriga in la bixiyo Afar Sacab..Sacabkana waxaa lagu qiyaasaa in uu ka dhigan yahay muga labadaada gacmood oo la isu geeyay oo galay ah, ama Sabiib ah, ama Bur ah, Iwm, Marka loo badalo dhanka kiilooyayntana waxaa lagu qiyaasaa 2.500Kg Labo kiilo iyo badh, waxay kaloo culimadu qabaan wixii intaa dheer in ay u noqonayso qofka la baxaya sadaqo hor Illaahay ah. Waana halka uu rabigu ka yidhi “Qofkii sameeya wax yar oo khayr ah wuu arki”

­

Wakhtiga la Doonayo in La bixiyo

Bixinta Sakada-fidriga waxa ay leedahay laba waqti

1 – waa Waqtiga ugu fadliga badan waana laga bilaabo marka ay qoraxdu dhacdo habeenka ciida ilaa laga gaadho waqtiga Salaada Ciida, waxaana ugu sii hagaagsan inta u dhaxaysa Salaada subax ee Maalinta ciida ilaa laga tukado Salaada Ciida Waana sida qoran, waxaa laga weriyay Ibnu Cumar RC in uu yidhi waxaa la faray in lala baxo inta aan la aadin salaada ciida ka hor. Waxay hadaba halkaa ku fasiraan culimada weedha Eebbe ee odhanaysa “waxaa aflaxay qofkii la baxa Sakada, ee  xusa magaca Rabigiisa tukadana”.

Waxay culimadu halkaa ka cadaynayaan in tartiibtaa Illaahay ku waday ay tahay in loo wado, ugu horayntaba in Sakada-fidriga lala baxo, dabadeedna xagaa iyo salaadii ciida iyo xusidii Eebbe loo dhaqaaqo. sidana waa sida in badan oo culimada ah ay isku raacsan yihiin.

2 – Waqtiga ay kaa gudayso..waxaa lagu sheegaa in waqtigani uu yahay maalin ama laba maalmood maalinta ciida kahor, waana sida uu weriyay bukhaari “waxay ahaayeen saxaabadu kuwa siiya masaakiinta inta aan la afurin maalin ama laba maalmood ka hor ciida” arintaasuna waxa ay ahayd mid ay isku raacsanayeen.

Sidoo kale xadiiskii Cabdulaahi ibnu Cabaas ayaa sheegaya isaguna in uu Nebigu N.N.K.H.A yidhi “Qofkii bixiya salaada ciida ka hor waa Sako la aqbalay..qofkii bixiyase salaada ciida ka dib waa sadaqo ka mid ah sadaqooyinka maalin walba la baxsho”Waxaa soo saaray abuu daa’uud.

Ibnu qayim waxa uu yidhi intaas oo idil waxaa laga fahmi karaa in ayna banaanayn in laga dib dhigo waqtiga salaada ciida kadib. waxaa looga jeedaa iyadiiyoo ayna jirin wax cudurdaar ah oo oo ku kalifay in uu qofku ka dib dhigo waqtigaa Sakada-fidriga

Waxayse raga diinta aadka u fahamsan isku raaceen in qofka lagu leeyahay Sakada-fidriga ayna uga hadhayn kadib dhigida uu ka dib dhigay waqtigii loogu tala galay ee uu faray sharcigu in lagu bixiyo, balse ay tahay dayn lagu leeyahay oo laga doonayo in uu gudo waqtigii markaa ay usuurogasho waa salaada ka dib’e. Waxay kaloo culimadaasu qabaan in hadii uu qofku si ula kac ah uga dib dhigo waqtigeeda Sakada-fidriga uu ku mudanayo dembi, islamarkaana uu ku kacay fal xaaraan ah, dembigaana uuna ka dhacayn ilaa uu bixiyo Sakadaa lagu leeyahay.

­

Yaa Mudan Sakada-fidriga oo La Siinayaa

Sidii aynu soo sheegnay waxaa laga weriyay cabdulaahi ibnu cabaas RC in uu yidhi “waxa uu u waajibiyay Nebigu N.N.K.H.A Sakada-fidriga, in ay ka dahirto Qofkii bishaa Soomay wixii dembi yaryar ee ka dhacay, iyo quudinta masaakiinta” sida ku cad xadiiska waxaa waajib ah in lagu wareejiyo Sakadaa dadka masaakiinta ah…

Culimada badhkood, ayaa qaba in la bixin karo qiimaha Sakaatul Fidriga oo lacag ah, balse waxa fadli badan cuntada oo la bixiyo.

Waxa Turjumay, Qorayna:: Cabdifataax Xasan Aadan, Axmed Ismaaciil (Bucul) iyo Siciid Cumar Yuusuf

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.