WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, November 02, 2015 (Saxafi) – Salaadiin, Cuqaal iyo qaar ka mid ah waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Gobolka Awdal ayaa dhaliilay qaabka loo waddo shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, Waxaana ay Madaxweyne Siillaanyo ugu baaqeen inuu talaabadda uu kootada ugu xidhay murashaxnimadda Muuse Biixi ka laabto.

Capture468Odayaasha iyo siyaasiyiintan oo ay ka mid ahaayeen Sudlaan Ibraahin Dacar Yuusuf, Caaqal Cabdiqadir Jibriil, Xasan Suldaan Nuur iyo Maxamed Aadan Kaarto ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Boorama waxaa ay si ba’an ugu dhaliileen hoggaaminta guud ee Madaxweyne Siillaanyo dalka iyo gaar ahaan xisbiga KULMIYE ku maamulayo. Waxaana ay u soo jeediyeen inuu dib uga laabto qaabka uu wax u waddo. “Haamihii ayaa cid kooto loogu xidhay, Dekedii baa cid kooto loogu xidhay maantana Xisbigii ayaa kooto lagu waddaa in cid loogu xidho. Waxaanu leenahay Xukuumaddu haka tanaasusho Kootadan ay cid wax ugu xidhayso, umaddii wax wada lahaydna ha u dayso” Sidaas waxaa yidhi Suldaan Ibraahim Dacar, waxaana uu ku taliyay in la eego danta guud iyo tan xisbigaba oo laga daayo Muuse in loo xidho Xisbiga. Sidoo kale, Xassan Suldaan Nuur oo ka hadlay madashan ayaa waxa uu yidhi. “Muuse Biixi waxaa uu ka mid yahay uun murashaxiinta Xisbiga Kulmiye waa inuu si caadi ah u tartamo oo la eego wanaaga dadku halka uu ku jiro, waayo dalka abaaro ayaa ka jiraa”

Caaqal Cabdiqaadir Jibriil, oo isna madashaas ka hadlay ayaa waxa uu yidhi. “Waxaan oo Kooto laga sheekeeyay dalkan kama shaqaynayaan, haddii la doonayo xisbi waa in la hello doorasho wanaagsan.” Ayuu yidhi. Maxamed Aadan Kaarto ayaa isna waxa uu yidhi. “Waxaanu u aragnaa waxaan socda xaalad uu qaranka Galiyay Madaxweyne Siillaanyo isagoo marka hore Qabiil ku yimid, inuu maantana nin Qabiil ku tartamaya garabka saaraa arrin shaqeynaya maaha. Haddii kooto loogu xidho Muuse Biixi, anigu ma qabo inuu leeyahay Qaranka ku hoggaamin karo, ”

SomlegalAds

Haddalkan ayaa ku soo beegmay waqti maalmo koobani inaga xigaan waqtigii qorshuhu ahaa in la qabto shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo lagu dooranayo murashaxiinta Madaxtooyadda, kaasoo khilaaf ba’an oo kala qaybiyay xisbigaasi ka oogan yahay qaabka loo maamulay iyo talaabo Madaxweyne Siillaanyo garab ku siiyay murashax gaar ah. Ka sokow Xisbiga waxaa ay arrintani halis gelisay nidaamka dawliga ah iyadoo inta badan Xubnihii maamulka Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo ay dibada uga baxeen taladda ka dib markii ay saluugeen talaabada uu qaaday Madaxweynihii ay la shaqeynayeen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.