WorldRemitAds

Sanadkii galbaday ee 2017-kii, ayaa ahaa sanadkii shilalka diyaaradaha Rakaabka qaada ee dunida ugu khasaaraha yaraa, waxaana sida wararku sheegayaan uu sanadkaasi dhamaaday iyadoo aanay wax shil diyaaradeed oo la taaban karaa ka dhicin dunida.

In kastoo uu sanadkaasi ahaa kii loogu dayuurada raacista badnaa dunida, waxa kaliya oo dhacay dhawr shil oo aad u fud fudud, hasa yeeshee waxa jiray habjabaado tiro badan oo la soo darsay diyaaradaha Rakaabka.

Kuwaas oo aynu ka soo qaadan karno mid ku dhacay diyaarad rakaab oo ay leedahay shirkada British Airwayn oo duulimaad ugu kala gooshayay London iyo Dubai, ayaa cabsi iyo argagax wayni qabsaday, xili diyaaradu ku jirtay duulimaad 33-kun oo Fiit, jooga dhulka ka sareeya, ka dib markii nin cadhaysan oo aad u qalinayaa intuu degdeg kursigii uu ka fadhiyay uu uga booday ka dibna candhuufeeyay rakaabkii kuraasta ka horaysa saarnaa.

SomlegalAds

Sida uu Steve Penk oo ah wariye madax banaani uu u sheegay jariirada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, waxa rakaabkii diyaarada British Airway ee uu ka midka ahaa, iyagoo dulimaadkoodi London ilaa Dubai ku jira, ku habsaday argagax iyo cabsi ay ku jireen muddo shan iyo afartan daqiiqo oo dulimaadka dhexdiisa ah.

Steve Penk oo isaga iyo gabadh uu dhalay iyo ninkeedu ka mid ahaayeen rakaabka diyaarada ayaa sheegay, inay nolosha ka quusteen, dhimashana ay u diyaar garoobeen, markii uu nin sakhrad badan laga dareemayaa uu dagaal ka dhex bilaabay diyaarada, ka dibna uu isagoo qaylinaya sheegay inuu Miino diyaarada ku qarxin doono, waxaanu rakaabkii diyaarada ku wargeliyay inay dhimasho u diyaar garoobaan oo Bambo ku qarxin doono.

Xaalada ayaa sii xumaatay, oo wuxuu bilaabay inuu dagaal iyo hanjabaad dabada isu qabto, qof walba wuxuu ku qalaalay kursigii, oo waxa xoogaystay cabsidii, shaqaalihii diyaarada ayaa xaaladu ku adkaatay, waxaanay bilaabeen sidii ay u dejin lahaayeen ninkan inuu diyaarada qarxinayo ku dhaartay.

Sida uu wariyahan madax banaani ku baahiyay bogiisa Twitter-ka, ninkan dagaalka iyo candhuufeynta ku weeraray, rakaabka kale ee diyaarada la saarnaa oo ka cabanayay inay dilayaan oo ay noloshiisa ka xun yihiin, ayaa anagoo ka yaaban dagaalkiisa, waxa uu ku darsaday hanjabaad uu dhamaan rakaabkayagi oo dhan ugu hanjabayo inuu qarxinayo.

Waxa aan markiiba xasuustay ayuu yidhi inantayda aan jeclahay oo I garab fadhiday, waxaan dhex galay murugo aan isku canaanayo, waxa aniga iyo inantayda diyaarada aanu u soo wada raacnay, laakiin cabsisu heerka ay naga gaadhay, iimay suura gelayn inaan isla sheekaysto, waxaanan il bidhiqsi kasta anigoo hoosta ka eegaya aan ku ducaysanayay in xaaladu caadi ku soo noqoto oo cabsidu naga dhamaato.

Hasa yeeshee deg deg noogamay dhamaan oo waxaanu ku jirnay muddo shan iyo afartan daqiiqo dhan, ka dibna ilaalada diyarada ayaa ku guulaysteen inay qabtaan, oo si degan ay xaalada u dejiyeen, waxaanay wergeliyeen booliska Madaarka Dubai, oo degdeg u taxaabay markii aanu anagoo bad qabna ka soo degnay diyaaradii.

Waxa uu wariyahani warbaahinta ka codsaday inay dabo galaan, ninkaas iyo sababta uu cabsida u geliyay rakaabka, si loo ogaado ayuu yidhi ujeedadiisa iyo waxa uu dhibta iyo argagaxa noogu riday, ayuu ku soo gabo gabeeyay Steve Penk, qoraalkiisa iyo fariinta uu jariirada u diray.

Wargeyska Daily Mail ayaa faalo kooban oo uu ku daray, xogta uu wariyahan madaxa banaan ee diyaarada British Airways la socday siiyay, waxaanu wargeysku sheegay in British Airways iyo Labada Waddan ee Britain iyo Emirates, loogu fadhiyo inay cadeeyaan oo ay war kasoo saaraan, waxaanu wargeysku faaladiisa ku soo gaba gabeeyay, Su’aal uu waydiiyay akhristayaasha oo ah, Haddii uu ninkaasi yahay qof muslim ah deg deg ayaa dunida oo dhami uga warami lahayd ee maxaa looga aamusaa, dadka kale ee argagixisada ku rida aadamiga?

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.