WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, May 4, 2019 (Saxafi) Sanduuqa horumarinta Somaliland ee magaciisa la yidhaahdo Somaliland Development Fund ayaa kulmiyay dad ka kala socda afar qaaradood oo ka mid ah shanta qaaradood ee adduunka.

Sanduuqani oo ah mid loogu talogalay in Somaliland lagaga caawiyo sidii ay fulin lahayd mashaariic horumarineed oo taabanaya kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegga bulshada, isla markaana ay xubno ka yihiin dawladdo door ah, waxa ka shaqeeya amaba mashaariic ka qaata dad iskaga kala yimid dunida dacaladeeda, kuwaasi oo iskugu jira dalalka horumaray, kuwa horumarkoodu dhexdhexaadka yahay iyo kuwa ay reer galbeedku ugu yeedhaan wadamada soo koraya ee inta badan ku yaala qaaradaha Afrirka, Asia iyo Latin America.

SomlegalAds

Sanduuqa horumarinta Somaliland marka laga yimaado faa’iidadiisa Somaliland, waxa kale oo ka faa’iidaystay dad ka soo kala jeeda ugu yaraan 26 wadan oo ku kala yaala Qaaradaha Asia, Europe, America iyo Afrika, kuwaasi oo kala ah Kenya, Uganda, United Kindom, Ethiopia, Bangaladesh, Djibouti, Australia, France Sudan, Malawi, Italy, Malta, Canada, Germany, India, United States of America, Egypt, Bhutan, Belguim, Denmark, Holland.

Xogtani oo uu baahiyay Sanduuqani, (Eeg Dhokumentka)  Wadanka Kenya ee ku yaala dacalka bari ee Qaaradda Afrika, gaar ahaana dhinaca badweynta India, waxa uu noqday wadanka ugu badan ee ay muwaadiniintiisu shaqo ka heleen amaba mashaariicdiisa ay qayb ka noqdeen mashruucani. Halka uu wadanka Uganda isaguna kaalinta 2-aad kaga jiro marka la eego dadka ka faa’iidaysatay mashruucani ee qaaradda Afrika ka soo jeeda, iyada oo ay Itoobiya kaalinta saddexaad ku jirto Djibouti iyo Sudana ay kaalinta afraad isku haystaan.

Sidoo kale, dalka UK oo ka mid ah wadamada gacanta ka geysta sanduuqani ayaa kaalinta koowaad kaga jira dadka ka faa’iidaystay ee ka soo jeeda wadamada reer Galbeedka, halka ay France, Italy iyo Germany ay iyaguna fursado ka heleen.

Sanduuqani oo mashaariic badan ka fuliyey Somaliland, isla markaana loogu talo galay inuu fursado shaqo iyo horumarinba u noqdo shacabka Somaliland, haddana ka sokow dadka reer Somaliland ee mashruucani loogu talo galay, dadka ugu badan ee ka faa’iidaystay fursadihiisu waxay noqdeen dalka Kenya oo ay shaqaalaha ugu badani ay ka joogaan Somaliland marka loo eego wadamada kale ee dunida.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.