WorldRemitAds

Mid ka mid ah la taliyayaasha sar sare ee Madaxweynaha Iran Xasan Ruuxaani ayaa fadeexad ku noqday, wafdigii uu Madaxweyne Ruxaani hogaaminayay ee ka qayb galay, shirweynihii Islaamka ee Lagu taageerayay Magaalada Barakaysan ee Qudus ee dalka Turkiga lagu qabtay.

Sarkaalkan ka midka ahaa weftiga Madaxweynaha Iran ayay kamaraduhu qabteen isaga oo sharaab cabaya, xiligii uu Madaxweyne Xasan Ruuxaani Khudbada ka jeedinayay Shirweynaha Islaamka Ee Magaalada Istanbul, muuqaalkaas oo noqday mid dood wayn ka dhex abuuray dunida Islaamka, aragtiyo kala duwana laga bixiyay.

SomlegalAds

Masuulkan ayay kamaraduhu qabteen isaga oo quraarad sharaab ah cabaya xili lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan, waxaanu sawirkiisu noqday ka ugu wareega badan shabakadaha xidhiidhka bulshada ee internet-ka.

Aragtiyaha laga bixiyay muuqaalka sarkaalkan maalin Ramadaan la soo gola joogsaday sharaabka, ayaa dadka badankoodu ku tilmaameen, mid meel kaga dhacay dalkiisa iyo madaxweynaha uu la socday, sababtoo ah? Xaalad kasta oo ku kaliftay inuu bilaa soon ahaado bisha barakaysan ee Ramadaan waxay ahayd inuu qarsado.

Kana xishoodo inuu Madaxweynaha dabadiisa ku cabo, xili kamaraduhu hayaan aduunka oo dhana si toos ah looga daawanayo, dadka aragtidooda ka bixiyay badankoodu waxay ka sinaayeen layaabka ay ka bixiyeen muuqaalka sarkaalkan.

Khaliijiyiinta oo ugu badan dadka sida wayn u naqdiyay muuqaalkan ayaa intooda badan ka sinaa, erayga Fadeexad hor leh oo ku dhacday Iran iyo nidaamka Shiicada ee Madaxweyne Ruuxaani, waxaanay inta badan Khaliijiyiintu buun buuninayeen muuqaalka la taliyaha Madaxweynaha Iran.

Marka laga tago buun buuninta sawirkan iyo aragtiyaha laga bixiyay ee sida wayn u kala duwan, haddana waxay dhamaan dadkii ka hadlay ka sinaayeen, diidmada muuqaalka sarkaalkaa oo ahaa mid meel ka dhac ku ah, xurmada bisha barakaysan ee Ramadaan, sharafta shirka uu ku sugnaa oo ahaa mid loogu gar gaarayay Magaalada Barakaysan ee Qudus iyo maamuuska Madaxweynihiisa oo uu ku gafay.

Inta badan dadka naqdiyay ayaa ku tilmaamay mid Istanbul u tagay inuu calooshiisa u gar gaaro, balse aan u socon taageerada Qudus, waxaanay ku doodayaan in ninkaas iyo xubno badan oo ka mid ah madaxdii dunida Islaamka ee kulanka ka qayb galay, aanay faralkii waajibka ku ahaa ay dayaceen, sidaa awgeed aanay suura gal ahayn inay Qudus iyo qadiyad Islaam midna u hiiliyaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.