WorldRemitAds
Muqdisho, Somaliland, December 11, 2015 (Saxafi) — Sarkaal ka tirsanaa hay’adda nabadsugidda Somalia oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdillaahi ayaa lagu dilay shalay walxaha qarxa oo loogu xidhay gaadhigiisa, iyadoo gaadhigu uu kula qarxay agagaarka isgoyska dabka ee wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Gaadhigan oo noociisu ahaa Toyoto Carrib ayaa qarxay mar qudha isaga oo suuqa maraya, iyadoo markiiba ay goobta soo gaadheen ciidammo ka tirsan kuwa dawladda Somalia oo waddada xidhay, goobtaasna ka qaaday sarkaalka oo dhaawac ah, laakiin markii dambe ayuu ku geeriyooday Isbitaalka. “Mar qura ayaa waxaa qarxay gaadhi ka mid ah kuwii waddada marayay, darwalkii gaadhiga watay ayay waxyeello xooggan kasoo gaadhay. Runtii aad ayaan u naxay markii aan qaraxa maqlay, waayo markaas ayaan waddada soo istaagay si aan gaadhi u raaco, ” ayuu yidhi ruux goobjooge ah oo warbaahinta la hadlay.
SarkaalSidoo kale, gaadhiga ayaa waxaa gaadhay burbur xooggan, waxaana baabuurku meeshii uu ku qarxay xidhay ciidamada dowladda Somalia, iyadoo xilligaas ay waddada xidhnayd, gaadiidka iyo dadkana loo diiday inay maraan.
Waddada Maka Al-Mukarama oo ah midda ugu mashquulka badan Muqdisho ayaa waxaa dib loo furay saacad kaddib, iyadoo qaraxan uu noqonayo kii labaad ee Muqdisho ka dhaca muddo toddobaad gudaheed ah.
Hay’adaha ammaanka dowladda Somalia ayaan wax war ah kasoo saarin qaraxa ka dhacay Muqdisho ee lagu dilay sarkaalka ka tirsan nabadsugidda Somalia, iyadoo dhanka kalena aanay jirin cid sheegatay weerarkan iyo sababta sarkaalkan loo beegsaday midna.
Ugu dambeyn, magaalada Muqdisho oo qaraxyadu ay ku yaraadeen ayaa waxay mar kale u muuqataa inay qaraxyadu dib ugu soo laabanayaan, xilli guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho uu sheegeen dhawaan inay xoojinayaan amniga caasimada.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.