WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, August 26, 2018 (Saxafi) – Hay’adaha ammaanka ee Somaliland ayaa sheegay inay maxkamad soo taagayaan Sarkaal ka tirsan xafiiska Raysal-Wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka ah Somalia, lana yidhaahdo Cabdiqani Yaasiin Maxamed.



Cabdiqani oo Jimcihii lagu xidhay Magaaladda Hargeysa ayaa lagu soo eedeeyay inuu qaab dhuumaaleysi ah uu kusoo galay Somaliland, isaga oo ka tirsan dawladda Soomaaliya.
Cabdiqani Yaasiin Maxamed, ayaa la sheegay inuu yahay Xoghayaha Raysal-Wasaare Ku Xigeenka dalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed Khader, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.

SomlegalAds

Ma jiro illaa iyo haatan war rasmi ah oo arintan uu kasoo saarey Xafiiska Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, laakiin, warbaahinta Somalia qaarkeed ayay u sheegeen inay ka hadli doonaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.