WorldRemitAds

Muuqaalka dagaal safayn ah oo gacmaha la isula tagay mid ka mid ah suuqyada waaweyn ee dalka Sucuudiga, dagaalkan oo sida wakaaladaha wararka aduunku ku warameen, ka bilaabmay daaqadaha elegtarooniga ah ee lacagta lagala baxo ama laga sarifto ayaa si degdeg ah u fiday, ka dibna isku badalay dagaal safayn ah oo feedhku had beelay, waxaanay dirir gacmeedaasi ku soo beegantay xili lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Sawirka Labaad

SomlegalAds

Muuqaalka hadiyad Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee Arooska boqortooyada Ingiriiska, taas oo ka mid noqotay hadyadihii ugu layaabka badnaa ee Arooska Amiir Harry Iyo Meghan Markle, hadiyad ayaa ah, qalabka sigaarka lagu huriyo, kaas oo Aktarka James Bond u isticmaalay filimadiisi (ST 007), waxaanu sida wakaaladaha wararku qoreen uu Madaxweynaha Faransiisku hadyadan u doortay markii uu ogaaday in amiirka reer Ingiriis ee loo aroosayaa aad u jecel yahay filimada James Bond.

Sawirka Sadexaad

Muuqaalka Meghan Markle, xidigada loo aroosayo amiirka sadexaad ee dhaxalka Boqortooyada Ingiriiska leh amiir Harry, kaas oo 20-sano ka hor ay iyadoo dalxiise ah ku hor gashay qasriga boqortooyada Ingiriiska ee lagu aroosay imika, xiligaa Meghan ay gashanati ahayd, xusuus ahaana sawirka u gashay, laakiin may garan karayn in qarsigan ay sawirka ku hor gashay hoygeeda noqon doono.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.