WorldRemitAds

Sawirka Maanta:  Muuqaalka sawir gacmeedkii ugu saamaynta badnaa dhawaanahan, kaas oo ka faaloonaya dhibaatada dadka reer Falastiin, hasa yeeshee sawir gacmeedkani ma noqon mid warbaahinta dalka Ingiriisku baahiso, waxaana ka dhashay muran wayn oo sababay in wargeysyada ugu waaweyn dalkaasi ay joojiyaan baahintiisa, wallow ay sawirada kartoonka ah ee Razan Al Najjar, laakiin sababo cadaadis ah oo dhinaca Yuhuuda kaga yimi awgeed ay joojiyeen.

Sawirka Maanta: Sawir-Gacmeed Saameyn Yeeshay

SomlegalAds

Sawirka Maanta: Sawir-Gacmeed Saameyn YeeshayRazan Al Najjar, ayaa ahayd Gashaanti Kalkaalise caafimaad ahayd oo u dhalatay dalka Falastiin, waxaana khaarajiyay oo toogasho liishaan dheer oo lala soo shiishay ku toogtay Askari israa’iil ah, xili ay ku sugnayd goob ay ku dawaynaysay ama gargaar caafimaad ugu fidinaysay dhallinyaro reer Falastiin ah oo dhaawacyo ka soo gaadheen isku-dhacyo dhexmaray ciidamada Yuhuudda.

Shabaddan shahiiday ee Razan Al Najjar, ayaa da’deedu ahayd 21 jir, waxaanay gargaar caafimaad ugu samaynaysay dhallinyarada reer Falastiin xuduudka Qaza, waxaana 1-dii Bishii June 2018 uu askarigu u dilay si waxashnimo ah, taas oo dunida si weyn looga damqaday, waxaana dadka ka damqaday ka mid ahaa farshaxanka sawir-gacmeedyada siyaasiga ah ku caanka ah ee u shalay Ingiriiska, Steve Bell, kaas oo sawiradiisa farshaxanka ahi ku soo baxaan wargeysyada waaweyn ee dalka Britain sida The Guardian iyo kuwo kale, hase yeeshee The Guardian ayaa faaf-reeb ku samaysay sawir-gacmeedkan, taas oo farshaxankana ka cadhaysiisay halkan ka akhri qoraalkii uu u diray Tifaftiraha wargeyska The Guardian.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.