WorldRemitAds

Gaalkacyo, Somalia, March 27, 2012, (Saxafi) – Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ku boorriyay maamullada Galmudug iyo Puntland inay isku furaan magaalada Gaalkacyo oo labada maamul ay ka taliyaan.

Maalin uu ka dib markii uu jeediyay baaq muran abuuray oo uu ku doonayay in magaca Garoonka Gaalkacayo loo bixiyo Cabdilaahi Yuusuf. Xubno ay ka mid yihiin, Sheekh Shariif, ra’iisul wasaare, Cabdiweli Gaas, guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee DKMG ah ayaa waxay kulan ku saabsan sidii la isugu furi lahaa magaalada Gaalkacyo la yeesheen mas’uuliyiinta Galmudug oo uu hoggaaminayay madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha Galmudug, Cabdisamad Nuur Guuleed. “Waxaan rabaa inaan u mahadcelinayo, waxgaradka, ganacsatada iyo shacabka Galmudug ee isku howlay inay ka shaqeeyaan ammaanka iyo horumarka Galmudug,” ayuu yidhi Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyay kulanka.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dawladda KMG ah ay ka shaqeynayso sidii ay u furi lahayd dekedda Hobyo, taas oo uu ku sheegay inay qayb ka qaadanayso is-dhexgalka shacabka ku nool Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo. “Hawshani waa mid ay ahayd inay qabato dawladda KMG ah, bal se maamulka Galmudug uu qabtay, waanan ka mahadcelinaynaa. DKMG ah waxay diyaar u tahay inay gacan siiso maamulka,” ayuu yidhi Sheekh Shariif.

SomlegalAds

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Gaas oo isaguna goobta ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in maamulka Galmudug uu kaalin muuqata ka qaatay la dagaallanka kooxaha budhcadbadeedda, xukuumadduna ay diyaar u tahay inay gacan siiso maamulka Galmudug.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Galmudug, Maxamed Axmed Caalin oo isaga oo ku sugan magaalada Nairobi la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa ka soo hor jeestay codsigii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in garoonka Gaalkacyo loo bixiyo garoonka diyaaradaha Cabdillaahi Yuusuf.

Mudane Caalin, wuxuu sheegay in madaxweynaha Somalia aanu awood u lahayn in uu magac u bixiyo garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, isaga oo sheegay in arrintani ay u muuqato mid la isaga hor keenayo maamullada Galmudug iyo Puntland. “Garoonku waa mid warkiisu weli taagan yahay wax heshiis ah oo rasmi ahna aan laga gaadhin. Gacanta ay Puntland ku hayso garoonkana ma aha inay sidii ay doonaan ka yeeli karaan,” ayuu yidhi madaxweynaha Galmudug.

Mudane Caalin wuxuu sidoo kale sheegay in garoonka Gaalkacyo aan loo bixin karin magac aanay isla ogeyn iyaga iyo Puntland, isaga oo ku tilmaamay ciddii magac u bixisa inay qaldan tahay.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif ayaa doraad soo jeediyay in loogu magac-daro garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo marxuum Cabdillaahi Yuusuf, maamuusna looga dhigo hawshii uu u soo qabtay dalka intii uu noolaa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.