WorldRemitAds
Shacabka ku dhaqan dalka koonfurta qaarada Ameerika ku yaala ee Guatemala ayaa si xoog leh u taageeray, aqlabiyadna ugu codeeyay nin qosliyaa ahaa oo dadka u majaajilayn jiray, wax aqoon iyo waayo aragnimo ahna aan u lahayn siyaasada.

Jimmy Morales ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu ugu guulaystay doorashadii Madaxtinimada ee dalka Guatemala ka qabsoontay, waxaanu ninkan oo caan ku ahaa madaynta iyo ka qoslinta dadku helay, boqolkiiba todobaatan iyo dheeraad ka mid ah codadkii la dhiibtay ee doorashada dalka Guatemala helay.
560_04Jimmy Morales oo lix iyo afartan jir da’diisu tahay, ayaa markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada ee loo xaqiijiyay guusha, u mahad naqay shacabka dalkiisa, waxaanu sheegay in xukuumad cadaalad iyo sinaan ah uu dhisi doono, taas oo si rasmi ah uga jawaabi doonta rabitaanka shacabka.
Ninkan Comedian-ka ah ee loo doortay Madaxweynaha Guatemala ayaa shacabkiisa ka iibshay barnaamij siyaasadeed aad u kooban oo gabigiisu lix bog oo qoraal ah ka kooban, kaas oo uu ku soo ururiyay dhawr arrimood oo ka mid ah baahiya ugu daran ee dalkaas ka jira iyo sida uu xalkooda uga hawl geli doono.
Warbaahinta dunida ayaa si wayn uga faalootay doorashada ninkan, waxaanay badankoodu ku sheegeen inuu noqonayo qofkii ugu horeeyay ee isagoo aan wax aqoon iyo waayo aragnimo ah u lahayn doorashada loo doorto Madaxweyne nimada waddan ka mid ah dawladaha casriga ah ee qarnigan aynu ku jirno.
Ninkan ayaa xisbiga uu hogaamiyaa 11-kursi oo kaliya uu ku leeyahay golaha barlamaanka dalka Guatemala oo ka kooba 158-xubnood, waxaanu si xoog leh uga guulaystay musharaxadii la tartamaysay oo ahayd xaaska madaxweynihii hore ee dalkaas, Sandra Torres, taas oo boqolkiiba dhawr iyo labaatan wax aan ka badnayn ka heshay codadkii la dhiibtay, markii natiijadu soo baxdayna si deg deg ah ugu hambalyaysay, isla markaana sheegtay in lagaga guulaystay doorashadii.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.