WorldRemitAds

Qofka sooman bisha Ramadaan wuxuu u baahan yahay inuu ilaaliyo cuntooyinka iyo sharaabyada kala duwan, si uu wakhtiga maalintii ee uu sooman yahay uu af xidhnaanta ugu adkaysto, gaar ahaan dadka maalintii iyagoo sooman shaqeeya ee duruufaha adag ku hawl gala.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Sida baadhitaano caafimaad oo kala duwan lagu ogaaday, dadka shaqooyinka adag ka shaqeeya waxay u baahan yihiin, cuntooyinka macdanuhu ku badan yihiin, kuwaas oo ka caawin kara fuuq baxa iyo gaajada, sidaa awgeed khubarada cuntada iyo quudinta aadamiga ku talinayaan in shantan nooc ee cuntooyinka iyo khudaarta isugu jira ay dadka sooman habeenkii badsadaan.

Timirta madow, in timirta lagu bilaabo afurka iyo marka soonka laga af furayo waxa ku jira macdano tiro badan oo dhamaantood jidhka wax tar u leh, waxa kale oo timirtu leedaha qaybo aanay calooshu aanay degdeg u burburin Karin, taas oo sida Somaalidu tidhaahdo ka mid ah cuntooyinka calool gashiinta leh.

Tamaandhadu waxay ka mid tahay cuntooyinka dheef shiidka u wanaagsan ee dareeruhu ku badan yahay, taas oo qofka ka caawisaa, in degdeg cuntada caloosha ku jirta u burburto, jidhkuna ka soo kabto gaajadii iyo daalkii badnaa ee maalintii.

Muuska wuxuu ka mid yahay cuntooyinka faa’iidooyinka badan u leh aadamiga, waxaanu hodan ku yahay, maaddada Magnaasiyamta, taas oo fir fircooni badan gelisa dhiiga, waxaana haddii qofku afurka cuno ugu yaraan hal xabbo oo muus ah uu ka nabad geli karaa, madax xanuunka badan, dhiiga dadka ku kaca iyo daalka xoogan ee jidhka, sababtoo ah waxa muuska ku jira Botasiyam maado loogu yeedho afka qalaad, taas oo cadaadiska ka yaraysay dadka aadna u caawisa lafaha iyo muruqyada intaba.

Liin macaanta ama liin dhanaanta, liinta noocyadeeda kala duwan, waxa ku badan maddada aysiidha, sodiamta iyo macdano kale oo jidhka, caloosha iyo wareega dhiiga u fiican, kuwaas oo qofka soomani inuu afurka dabadii cabi karo, laakiin loo baahan yahay in wakhtiga ugu horeeya ee calooshiisu madhan tahay iska ilaaliyo, si aanay ugu keenin calool istaag iyo dhibaatooyin kale oo caafimaad.

Bihaajka waa geed inta badan aanay Soomalidu aad u isticmaalin, laakiin wakhtiyadii danbe ayay dadka qaarkood barteen, waxaanu si caadi ah uga baxaa meel kasta, geedkani waxa ku badan dhanaanka, waxaanu leeyahay wax tar badan oo caafimaad, oo aad u anfacaya qofka maalintii soomanaa, waxa wanaagsan in sideeda loo cuno, laakiin dadka badankoodu waxay jecel yihiin, inay miirtaan, taas oo iyada lafteedu fiican, wuxuu yareeya calool istaaga iyo dhibaatada saliida saanbuusaha.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.