WorldRemitAds

Cutubyo ka tirsan ciidamada Booliska dalka Maraykanka ayaa jawi xamaasad badani ka muuqato, ku soo qaabilay, wiil yar oo shan jir ah, kaas oo ku agoomoobay toogasho aabihii oo booliska ka tirsanaa lagu dilay, isaga oo waajibaadkiisa shaqo gudanaya.

Sida badi warbaahinta caalamku baahisay, wiilkan yar ee shan jirka ah, ayaa aabihii oo booliska ka tirsanaa, lagu dilay hawl gal ay ku soo qabanayeen eedaysane ka baxsaday ciidamada booliska.

SomlegalAds

Wiilkan yar ayaa fasalka Uulada ee ugu horeeya waxbarashada laga qoray, dugsiga Sullivan Elementary School, oo ku yaala degaanka Dakota ee dalka Maraykanka, halkaas oo cutubyo ka tirsan ciidamada booliska Maraykanku ay ku sugayeen, markii uu soo gaadhayna ay si diiran ugu qaabileen halkaa.

Wiilkan yar ayaa aabihii oo lagu magacaabi jiray Rob Pitts laba toddobaad ka hor lagu dilay hawl gal ciidamada boolisku ku caydhsanayeen nin eedaysane ah, waxaanu weerarkaas lagu khaarajiyay soo gabo gabeeyay lix iyo toban sanadood oo uu ka shaqaynayay booliska Maraykanka.

Weerarkaa lagu dilay askarigan booliska Maraykanka ka tirsanaa oo xaalad argagax ah ku abuuray ciidamada ammaanka ee dalka Maraykanka, waxa uu sababay in wiilkan yar ee ninkaasi dhalay loo wareejiyo magaalo kale, degdegna loo qoro dugsi ku yaala, halkaas oo loogu sameeyay munaasibad rasmi ah oo lagu soo dhawaynayo.

Inta badan warbaahinta kala duwan ee dalka Maraykanka oo si toos ah dhacdadan u tabinaysay ayaa ku tilmaantay mid dareenkeedu sareeyay, oo ciidamada Booliska Maraykanku ku soo bandhigeen isku duubnidooda iyo saaxiibtinimada ka dhaxaysa mid nool iyo mid dhintay labadaba.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.